Dadka ku dhintay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo oo kordhay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay garoonka Kubada cagta Cabdullaahi Ciise ee kuyaala Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa Ismiidaaminta ah ayaa la sheegay in uu fuliyay ruux jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray, waxa uuna ruuxaan beegsaday albaabka laga galo garoonka Cabdullaahi Ciise ay xiligaasi joogeen saraakiil kala duwan iyo dad garoonka galayay.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa tiradooda lagu soo waramayaa in ay ka badan yihiin 30-qof oo isugu jira saraakiil ciidan, masuuliyiin kala duwan iyo sidoo kale dad shacab ah oo garoonka u tagay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Rooble.

Saraakiisha la xaqiijiyay in qaraxa ku dhinteen waxaa kamid ah  Taliyihii Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Qooje, Taliyaha Ciidanka Danab qeybta Galmudug, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Mudug ee Puntlnad iyo masuuliyiin  kale.

Isbitaalada magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dad badan oo qaraxa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, waxaana dadka dhaawacyada qaba qaarkood la sheegay in xaalad adag ku jiraan.

Magaalada Gaalkacyo ayaana caawa ku jirta jawi ka badelan sidii ay ahaan jirtay, waxaana magaalada Caawa ku baryaya meydadka dad badan oo isugu jira saraakiil, masuuliyiin iyo shacab doonayay in si farxad ku jirto  soo dhaweeyaan Ra’isul Wasaare Rooble.