Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

DAWLADAHA AY IGAD KU BOGAADISAY WADAHADALADA JAMHURIYADA SOMALILAND IYO JAMHURIYADA FEDERALKA SOMALIA MA YIHIIN QAAR KA MIDHO DHALIN KARA QADIYADAN ?

Wadahadalada jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia ayaa waxa ay ku jireen hakad mudo dheer , codsiyo iyo cadaadis bulshada caalamka ka yimid ayaa ay Somaliland dib ugu ogolaatay wadahadalada , sababta oo ah waxa ay u arkaysay in wadahadaladii hore waxii ka soo baxay aanu noqon wax cadaalad ah isla markaana dawladihii dhex-dhexaadinayey aanay ka aheyn dhex qadiyada Somaliland iyo somalia .

Somaliland waxa ay ku xidhay shuruudo wadahadalada  sanadkii hore Sept 2019 oo ay shir golaha wasiirada Somaliland kaga soo saareen shan qodob oo hadii la fuliyo ay Somaliland diyaar u tahay wadahadalada Somalia iyo Somaliland ;

1. In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.

2. In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.

3. In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso.

Somaliland goorma ayey ka tanaasushay shuruudihii ay ku xidhay wadahadaladii Somaliland iyo Somalia , maxaa se kalifay in laga tanaasulo ? waa su’aal jawaab u baahan !!!

Haddaba iyada oo xaal halkaasi marayo ayaa magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia waxa ka furmay shirkii midowga Africa ee 33naad oo soconayey jan 21 ilaa feb 10 , waxaa shirkaasi si uu xulfi siyaasadeed iyo xod-xodasho dawladaha Africa ah u tagey wafti uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland , hore waxa ugu sii sugnaa madaxweynaha dawlada federalka Somalia , waa suuragal in markii ay labadooduba ka soo duulayeen Muqdisho iyo Hargeisa ay ka warqabeen in ay loo diyaarinayo kulan , ha yeeshee madaxda Somaliland waxa ay dadka la wadaageen in uu ahaa kulankaasi kedis , waxaana ay shuruudihii iyo halkii ay Somaliland ka taagnayd wadahadalada uga tanaasuleen rabitaanka Abiy Axmed Raisal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Djibouti oo labaduba si u danaynayey arinkan Somaliland iyo Somalia.

Waxa isla sanadkan dhamaanaya badhtankiisii  june 14-16 keedi kulan sadex maalmood ah markale uu ku dhex maray Djibouti jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia , kulankaasi oo lagu sheegay in gudiyo farsamo oo kulma mudo 15 maalmood gudahood ah la sameynayo iyo dad ka shaqeeya qaabka wadahadaladu u soconayaan , iyada oo laga soo saaray qodobo dhawr ah oo u badan sidii Somalia doonaysay.

Waxa shirkii 38naad ee IGAD lagu xusay qodobkiisa 16naad in urur goboleedka Igad bogaadinayo wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee dib u furmay iyo madaxdii gogosha u dhigtay  oo noqonaya marka aad dhuuxdo dawlada Ethiopia iyo dawlada Djibouti madaxdooda iyada oo aan la is weydiin wadahadaladii xagay ku dambeeyeen mudooyinkii la lahaa hala kulmo mala kulmay , Somalia miyey wax ka badashay culeyskii iyo cidhiidhigii diblomasiyadeed  in ay Somaliland ka dayso , mase ogolaatay in Somaliland u madax banaanaato waxii caalamka ay uga baahan tahay sida deeqaha iyo maalgashiga ?

Jawaabtu waa maya oo dagaalka Somaliland iyo Somalia waxa uu ku shareeran yahay cirkaasi , waxaana ay noola muuqatay marka horeba in madaxda gobolka geeska africa wadamadiisa ee arinkan danaynayey iyo dawlada Somalia oo xiligii ka sii dhamaanayo intuba ay doonayeen sumcad iyo dano ay ku galaan doorashooyinka oo Ethiopia iyo Djibouti na doorashooyin ayaa mudeysnaa sanadka soo socda xiligaasi oo uu saarnaa culeys siyaasadeed oo gudha dalalkooda ahi.

MAXAA SOMALILAND UGA MEEL YAALA WADAHADALADA MASE JIRAA DARIIQ IYO QORSHE QARAN OO LAGU WAAJAHAYAA ?

Somaliland wadahadaladii ay Somalia la bilowday sanadkii 2012 kii wax muuqda oo la taaban karo ugamay soo kordhin , aduunkii somaliland iyo Somalia la rabay in uu dhex u noqdo maadaama oo ay ahaayeen dad wax isku darsaday waxa ay garabsiiyeen Somalia oo awoodii iyo wax walba oo u soo kordha u adeegsatay jamhuuriyada Somaliland sidii ay ugu curyaamin lahayd isla markaana caalamka uga soo xidhi lahayd , waxaana tusaaleyaal cad-cad ah in dalkasta oo somaliland xidhiidh la sameeya ay u goyso xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo in waxii sharciyad dawladnimo ay lahayd Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay 1991kii oo kala noqotay Jamhuriyada Somaliland iyo Jamhuriyada Federalka Somalia dhinac qudha ahi qaatay .

Marka la eegayo nidamka dhex-dhexaadineed ee caalamka loo dhex galo dawladaha kala go’aya qaabka caalamku u dhex galay Somaliland iyo Somalia maaha mid dhex-dhexaadnimo iyo lexojeclo ka muuqato , marka aynu taariikhda dib u raacnana shirarkii Somalia loo qabanayey 1991kii ilaa 2020 waxa ay caalamku doonayeen in Somalia dawlad loogu dhiso , in ay Somaliland ka maqan tahay oo wax qabsatayna waala wada ogaa ee halkee wax iska badeleen?

Shirka Somaliland iyo Somalia lagu dhex-dhexaadinayaa waxa uu gacanta uga galay dawlado dano ka leh Somalia oo doonayey in ay u dhisaan wax dawlad u eeg dabadeedna u meel mariya danahooga iyo khayraadka Somalia oo ay danaynayeen , waxaana ay aduunka u tuseen waji in ay Somalia dhisayaan ah , waa halka somaliland lagu go’doomiyey waxii lawada galayna ay noqdeen qaar khiyaamo ku dhisan , waxaana aynu ka xusi karnaa heshiiskii hawada Somalia ay kula soo wareegtay iyo sida loo majaro habaabiyey.

Markaa Somaliland waxa ay u baahan tahay in ay wadahadalada dambe ku waajahdo qorshe qaran oo dariiq jeexan leh oo xukuumadiba ta ka dambaysa usii gudbiso isla markaana goleyaasha xeer dejinta dalku ansixiyaan oo qaranka u noqda qorshe cad oo la isla og yahay , maadaama aanay qarsoonayn in dano siyaasiya iyo waxyaabo badan oo qarsooni ay jiraan isla markaana xaaladaha gobolka marka aad eegto aanay aheyn qaar talo wanaagsani ka soo socoto .

Somaliland marwalba waxa ay u taagan tahay in ay garteeda iyo qadiyadeeda sharci ee dawladnimo ku garnaqsato gole iyo madal kasta oo caalamku dhigo oo ay u aragto in uu dhex ka yahay isla markaana ka garniqi kara waxii Somaliland iyo Somalia isaga xidhan , aduunkana waxa looga baahan yahay in aanay laalin xuquuqda iyo qadiyada dadka jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale qadiyada sharci ee qaranka jamhuriyada somaliland u saamaxaysa dib ula soo noqoshada madax banaanidiisii 26 JUNE 1960.

Hadii aanay Soomaaliyi gudaheega heshiin karin waxbana isku ogolaan karayn oo ay ka wanaagsanayd in cidkale soo dhex gasho waxa soo socdaa maaha wax wanaagsan isla markaana rajo wanaagsan laga qabi karo , Somalia 60 sanadood ayey fac tirsanaysaa dawladnimo 30 sanadood midnimo aan cadaalad ku dhisnayni jiray oo la isku dhex haystay iyo 30 sanadood oo la kala maqnaa oo laba dawladood la kala ahaa uun weeyaan , markaa maanta waxa inoo taalla ma sidan ayuun  baa la sii ahaan doonaa 30 ka sanadood ee soo socda mise Somali dad caqli leh oo wax isku ogol ayaa ka soo bixi doona ?

Hogaamiye Mohamed Dhimbiil

somalilandstar@gmail.com