Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Guddoomiye Xigeenka 3aad ee Kulmiye, Xildhibaano iyo Siyaasiin kale oo Baaq u diray Shacabka Gobollada Sool iyo Sanaag

Hargeysa (SM)- Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Kulmiye, ayaa kulan lagu dardar gelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha maanta la yeeshay xildhibaannada labada Gole Baarlamaan kaga jira, siyaasiyiin iyo Aqoon yahanno ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag.

Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Kulmiye Xuseen Aadan Cadde oo ay weheliyaan Xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka gobollad Sool iyo Sanaag ayaa markii kulankoodu soo idlaaday, waxa ay si wada jir ah baaq xambaarsan dhiirigelin u direen shacabka labadaas gobol oo ay ku biirriyeen inay ka faa’idaystaan oo ay qaataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Warkan oo muuqaal ah hoos ka daawo