Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Ibraahin A Aw-Qoobey Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex

Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Ibraahin A Aw-Qoobey Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  oo u sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex.  Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  oo kamida Aqoonyahanka dalka dibadiisa ku nool, ayaa waxa uu kamid yahay, dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho, isagoo isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Gobolka Maroodi-jeex ka sugaayo inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Golaha Wakiilada mudada dheer sharci-darada iskaga fadhiyey Kuraasida Golaha Wakiilada Somaliland.

Musharax Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Wakiilada Gobolka M-jeex .

Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey  oo kasoo-jeeda qoys balaadhan oo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed magac iyo maamuus kuleh, gaar ahaan bulshada reer Somaliland-na ka caan ah oo ay kasoo-jeedaan halyeeyo badan oo uu kamid yahay musharaxan Aabihii Haldoor Aadan Aw-qoobey, (AHUN) oo ahaa siyaasi rug cadaa ah oo kamid ahaa halyeeyadii miisaanka culus ku lahaa xisbigii UDUB.

Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey ayaa sidoo kalena kamida masuuliyiinta ugu saraysa ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu haatan ka yahay gudoomiyaha guud ee Xisbiga Waddani ee dal-weynaha Maraykan oo ah laanta ugu balaadhan ee xisbiga Waddani ku leeyahay dalka dibadiisa.

Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey, oo la-filaayo inuu dalka kusoo guryo noqdo maalinta Axada  ee 13 Dec 2020 ee fooda inagu soo haysa , ayaa waxa bulshadu ka filan kartaa inuu kaalin muhiima ka ciyaari-doono xubinimadiisa Golaha Wakiilada hadii Alle qaaro oo uu ku guulaysto doorashada.

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Aqoonyahan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey , Baahi weyn bay bulshada gobolka M-jeex u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Wakiilada Gobolka,  waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

W/Q: Cabdixakiin Rays

cabdixakiinrays@gmail.com

Hargeysa/Somaliland