Hay’adda EUCAP Oo Somaliland ku Tilmaantay Maamul Goboleed kamida Soomaliya iyo Ujeedada ka Dambaysa.

Hargeysa (SM)- Midowga Yurub, ayaa laba sanno oo dheeraad ah ku kordhiyey hawl-gallo dhinaca ammaanka iyo Difaaca ah oo ay ka fuliyaan gudaha dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, kaas oo Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka tahay, waxaanay mashaariicahani dhinaca saarayaan oo lagu taageerayaa danaha siyaasadeed ee maamulka Muqdisho.

Mashaariicahan ayaa muddo-kordhin loo sameeyey ilaa sannadka December 2022-ka, ayaa la xidhiidha siyaasadda Midowga Yurub ee ku wejahan taageerada dhinaca ammaanka iyo difaaca ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu kala magacaabo EUCAP Somalia oo ah mashruuc midowga Yurub ku taageero Kobcinta adeegyada bulshada, EUTM Somalia oo ah mashruuc tabobar loogu sameeyo Ciidamada iyo Operation Atlanta oo ah hawl-galka Ciidamada Badda Midowga Yurub kula dagaalaamaan budhcad-badeedda iyo hubka sharci-darrada ah.

Go’aanka ka dambeeya muddada loo kordhiyey inay mashaariicahan ayaa sababta loo qaatay lagu sheegay iyadoo la tix-gelinayo natiijada ka soo baxday dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyey siyaasadda ammaanka iyo difaaca ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika ee xilligan, isla markaana loo xoojin lahaa Doorka midowga Yurub ku yeelahay iyo jawaabta uu ka bixin karo isbeddelka xaaladda ammaanka ee mandaqadda Geeiska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Si aad u akhriso Warkan oo Faahfaahsan, guji sawirka hoose