HOGAAMIYE ABIY AHMED HABKII WANAAGSANAA EE UU WAX U BILAABAY IYO SIDA XAALKU YAHAY MAANTA !

HOGAAMIYE ABIY AHMED HABKII WANAAGSANAA EE UU WAX U BILAABAY IYO SIDA XAALKU YAHAY MAANTA ! 

 

Hogaamiyaha dalka Ethiopia Abiy Axmed waxa uu ahaa hogaamiye la yimid hal abuur iyo hogaamin wanaagsan oo la filayey in ay Geeska Africa oo dhan wax ka badesho , waxa ay ahayd hogaamin loo bogay oo caalamka iyo dadka gobolkuba soo dhaweeyeen iyo yididiilo iyo rajo wanaagsan laga filayey.

Hal abuurnimadii iyo dedaaladii uu waday waxa uu ku guulaystay in la siiyo bilada nabada aduunka ka dib markii uu go’aan geesinimo leh ka qaatay in uu dhameeyo colaadii xuduudka Badame ee ka dhaxaysay dalka Ethiopia iyo Erateria sanadkii 2019 kii , waxaana uu noqday hogaamiye iyo xidig siyaasadeed oo geeska Africa ka soo dhex muuqday .

Dardartii hogaamineed ee ku jirtay waxa ay u muuqataa in aan wax badan laga fiirsan oo degdeg iyo caadifad lagu galay ama ay ka taliyeen dad aan mustaqbalka dalka Ethiopia iyo guud ahaan ka gobolka Geeska Africa rajo ka qabin marka aad eegto sida wax u socdaan iyo dagaalka waqooyiga Ethiopia , guuxa mucaaridka ee doorasho doonka iyo arimo badan oo hoose oo huursanaa oo la kala tirsanayey oo u muuqda in ay soo wada baxayaan xiligan.

Marka aad u timaado dal iyo dad si loo mamuli jiray oo aad wadagto aragti cusub iyo in aad jihadii hore badeshaa uma baahna caadifad deg-deg iyo dad cadhaysan oo kala aar goosta waana waxa dhaliyey maanta dagaalka ka socda waqooyiga ethiopa ee Tigray.

Dr Abiy Axmed waxa uu ku celceliyaa ku dhaqanka sharciga iyo fulintiisa , ma xuma laakiin muxuu noqonayaa ku dhaqanka sharciga konton kun oo qof dalka dibadiisa u barakiciyey (50 kun oo qof ) , sidaasi oo kale ay laba milyan oo qof ( 2milyan oo qof ) ugu barakaceen una baahan yihiin gargaar binu adenimo , in badan oo kale oo aan waxba galabsana ay ugu dhimatay dagaalkaasi dhex maray TPLF iyo dawlada Ethiopa.

 

Waxa wax lala yaabo ah in midowga Africa oo xaruntiisu tahay Addis ababa uu arinkaasi dhex gali kari waayey baajina kari waayey colaada halkaa ka dhacday iyo dagaalada lagu hoobtay ee barakaca iyo dhimashada badanba ka dhasheen kuwaasi oo saameeyey Geeska Africa oo dhan , waxa ay ceeb ku tahay Africa iyo midowga Africa guud ahaan.

 

Waxa sidaasi oo kale wax lala yaabo lagana xumaado ah in dalalka ay ka mid yihiin Djibouti iyo Somalia ku taageeraan dagaalka ka socda Ethiopia gudaheega iyo talaabooyinka uu qaaday maamulka uu hogaamiyo Abiyi Ahmed Ali , iyo waliba Erateria oo lagu eedeeyey in ay dagaalka qayb ka dhayd taasi oo ah wax binu adenimada iyo dadnimadaba ka baxsan oo foolxumo ku ah dadka Geeska Africa.

 

MAXAA KA DHALAN KARA HADII ETHIOPIA DAGAAL KA SII SOCDO ? 

Waa isweydiin u baahan in jawaab loo helo sababta oo ah dagaalku intaasi uun ku ekaan maayo , waxaaba la isweydiinayaa malaha hada ayey dhibta iyo dagaaladu bilow u yihiin Ethiopia ?

Umadaha ku nool gobolkani dawladnimadooda iyo nidaamkooga maamul waa mid ku dhisan goboleysi iyo isir , dawladihii kala dambeeyey ee soo marayna waxa ay ahaayeen qaar loo tirinayo marba qoomiyadi in ay qabsatay intii kale , arimahani waa qaar aan suuragalinayn dawladnimo wanaagsan oo dadka Gobolku guud ahaan helaan iyaga oo ku leh xuquuqo siman isla markaana sharciga dalku noqdo mid loo siman yahay oo muwaadiniintu si siman ugu tartami karaan , doorashooyin xor ah oo daah furanina ay ka dhacaan gobolka guud ahaan.

Haddaba hadii ay sii socdaan dagaalo iyo nidaamyo sidan u shaqeynayaa waxa ku soo socda gobolku guud ahaan in uu khalkhal siyaasadeed iyo dagaalo ka dhacaan taasi oo sababi kartaa dib u dhac weyn isaga oo gobolkani marka horeba ku suntanaa mid aad uga hadhay gobolada kale ee Africa iyo caalamkaba oo ay dib u dhigeen colaado soo jireen ah , hogaan xumo abuurtay dagaalo iyo colaado sababay faqri , gaajo , iyo in dadka gobolkani dunida kale u yaacaan iyaga oo nolol raadinaya , iyo waliba in uu gabaad u noqdo argagixiso caalami ah iyo afkaaro dunida kale laga soo waariday.

Xaaladaha gobolkani waxa ay u baahan yihiin iskaashi iyo wadajir in looga hawlgalo si umada gobolkani u hesho dawlado wanaagsan oo dimuqaradi ah oo nolol u abuura , una soo saara khayraadka dabiiciga ah ee dalalkani leeyihiin iyo bogcadaha muhiimka ah ee ay ku yaalaan oo maanta ah halka aduunkii oo dhami wada danaynayo .

Mohamed Dhimbiil

somalilandstar@gmail.com

Mohamed Abdi Jama