Maalin Gabal-baas u Dumay Burco… Xasuuq Wadareedkii 43 Nin lagu Dilay 20.12.1984. Xasuuqii Burco iyo Warqaddii Dilka lagu amray!!

Maalin Gabal-baas u Dumay Burco… Xasuuq Wadareedkii 43 Nin lagu Dilay 20.12.1984. Xasuuqii Burco iyo Warqaddii Dilka lagu amray!!

Maanta oo kale 36 sanno ka hor, waa maalintii uu dhacay Xasuuqii Magaalada Burco. Halkaas oo 43 qof oo ka mida Aqoonyahanadii, Ganacsatadii iyo Wax garadkii magaalada Burco, inta la soo uruuriyay , si badheedha loogu toogtay magaalada Burco. Haddaba warqada halkan idiinka muuqataa waatii lagu go’aamiyay dilkaas bahalnimada ahaa, waxaana ku yaala amaradii dilka lagu fuliyay, iyo magacyadii 43 ka qof ee la dilay. Waxaana ku saxeexan oo amarka dilka bixiyay. Ku xigeenkii xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida. Gacan ku dhiigle. Gaashaanle Yuusuf Muuse Faarax UJEEDDO:- FULIN XUKUN DIL AH KU XIGEENKA XEER-ILAALIYAHA GUUD CQS MARKUU ARKAY:- Go’aanka Maxkamada Dagaalka C.Q.S. Lam 190/84 ee 20-12-84, kaas oo lagu cayimay ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay eedaysanaasha kala ah. 1- Qaasin Qodax Jaamac 2- “ – Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad 3- “ – Ciise Ibraahin Ismaaciil 4- “ – Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe) 5- “ – Aadan Nuur Ismaaciil (Coodhaaq) 6- “ – Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani) 7- “ – Axmed Cabdi Xasan 8- “ – Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar) 9- “ – Axmed Yuusuf Mire 10- “ – Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne) 11- “ – Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas) 12- “ – Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur) 13- “ – Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood) 14- “ – G/le Maxamed Cali Qorane 15- “ – Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar – (Qurmiye) 16- “ – Ismaaciil Saalax Wiriye “ 17- “ – Maxamed Samatar Axmed “ 18- “ – Saleebaan Hirad Aadan “ 19- “ – Cali Cabdi Xasan “ 20- “ – Aadan Jaamac Warsame “ 21- “ – Maxamed Maxamuud Cabdi “ 22- “ – Axmed Ismaaciil Maxamed “ 23- “ – Cali Cumar Diiriye “ 24- “ – Muuse Xasan Ibraahin “ 25- “ – Cali Giire Cabdi “ 26- “ – C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye 27- “ – Aadan Cali Ibraahin Qurmiye 28- “ – Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye 29- “ – Cabdi Xasan Jaamac “ 30- “ – Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto 31- “ – Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay) 32- “ – S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay) 33- “ – Magacu wuu masaxmay 34-Dilsuge – S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay) 35- Edsane- Jaamac Cabdilaahi Saciid 36- “ – Dable Maxamed Cige Xabad 37-Edsane – Cabdi Cali Axmed 38- “ – Saciid Cismaan Geelle 39- “ – Abuukar Cabdilaahi Rooble 40- “ – Cabdilaahi Saalax Giir 41- “ – Cawil Saalax Giire 42- “ – Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) – Maqane 43- “ – Cabdi Xuseen Dheere – Maqane In la fuliyo maanta 20/12/84 Saacadda 0700 subaxnimo laguna fuliyo goobta toogashada Burco. MARKUU ARKAY:- QOD.227 XEER MARKUU ARKAY:- QOD. 69 XEER MARKUU ARKAY:- Xeer lam 54 ee 14.8.82 WUXUU GO’AAMIYEY In go’aanka maxkamadda la fuliyo laguna fuliyo meesha iyo wakhtiga ay cayintay, ayna fuliyaan koox ciidan ah oo hogaaminaayo Sarkaal ku haboon isaguna C.Q.Sida kuwaas ahaan K.D.S.iyo daraawiishta Booliiska. WUXUU KALOO GO’AAMIYEY In aasidda dadka iyo wixii kharaj ah loo xilsaaray D/Hoose ee Burco si toos ahna uu u maamulaya Guddoomiyaha Maamulka Degmada Burco. KU XIGEENKA XEER ILAALIYAHA GUUD CQS G/LE YUUSUF MUUSE FAARAX