Maxaa sababay inay Fadhiid Noqdaan Nidaamka Garsoorka iyo Maxkamadaha Somaliland?

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ma wuxuu si gaar ah uga faa’idaysaayaa Awooddii Qaranka ee lagu aaminay?

Nidaamka Cadaaladda Somaliland Oo Xilli kasta Bulshadu Ka rejo-qabi jirtay inuu marba marka ka dambaysa kori Dooni, hagaagi doono, Qaladaadka badan ee jirana la sixi Doono, ayaa wakhtiyadan dambe u muuqda mid ka sii daraya, Waxaana sii gabaabsi ah rejadaas oo la odhan karo sida hadda Wax loo wado marka la eego waa mid hagaastay ama Beenoowday oo aan rumoobin.

Waxaa xilliyadan dambe isa soo taraya Cabashooyinka, habacsanaanta, maamul-xumada iyo musuq-maasuqa Awoodeed ee ka jira hay’adaha garsoorka, gaar ahaan Maxkamadaha kala duwan ee Somaliland. Maxkamadaha oo ay Ugu sarrayso Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, isla markaana uu Guddoomiye ka yahay Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Ee Qaranka, waana Ninka ugu awoodda badan Garsoorka ee ay hoos-yimaaddaan Maxkamadaha kala duwan ee dalka oo aanay kuwa ciidammadu ku jirin.

Cabashooyinka Dadweynaha kiisasku ka galeen ka muujinayaan Maxkamadaha heer degmo, gobol, racfaan illaa Maxkamadda sare, kuwooda ugu badan waxaa ka mid ah; sinnaan la’aan, la-meeraysi dacwadeed, Laaluush wax ku dhaqaajin, iyagoo dadka badankoodu kuu sheegaya in Laaluushku mid yar iyo mid badanba isugu jiro, inta badanna ka bilaabma Halka Ugu hoosaysa ilaa halka uu gudoomiyuhu ugu sareeyo oo dadka qaar tilmaamaan inay mararka qaar isticmaalaanba awoodaha Garsoorayaasha, oo laftoodu badi u muuqda kuwo Kaaliyeyaashooda isu dhiibay, waxaanay Laaluushka oo ah musuq-maasuq fool-xumi isugu jiraa heer hoose illaa heer-sare, eex iyo qaraabo kiil, ku dhaqan la’aan sharci iyo qodobbo kale.

Haddaba, Maamul-xumada, Musuq-maasuqa, la habsaanka amma dhaqaajin la’aanta Dacwadaha, Ku dhaqan la’aanta Sharci iyo dhex-dhexaad la’aanta ka jirta Maxkamadaha Somaliland ee hoos-taga Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxay keentay sannadahan dambe inay Garsoorayaal badani iska casilaan shaqadii Garsoorka, ka dib markii qaarkood siday sheegeen u adkaysan waayeen dhibaatooyinkaas iyo kuwo aamusnaan kaga baxayba, waxaanay taasi keentay in Dad badan oo Reer Somaliland ah ay rejadii ay ka qabeen Garsoor wanaagsan ay laashay, kuwo badan oo kiisaskoodu muddo badan ku soo jireen iyo kuwo dhawaan galayba ay ka niyad-jebiso inay helaan Xukunno cadaalad ah oo Sharciga loo maro, halka dad badanna lagaba xukumay waxay xaq u lahaayeen, loona xukumay kuwo aan sharciga waxba ku heleen haddii sidiisa loogu dhaqmo.

Iyadoo waxyaabahaasi aynu kor kusoo sheegay ay hore uga jireen maxkamadaha Somaliland oo ay kor usii kaceen mudooyinkan danbe ayaa wakhti xaadirkan waxaa laga darinayaan gorsoornimada gudoomiyaha maxkamada sare oo isagu ah masuulka ugu sareeyay bahda garsoorka kuwaasi oo qaarkamid ah shacabka Somaliland ee kiisasku ka galeen maxkamada sheegeen in gudoomiye Aadan iskadaa in uu saxo garsoorka Somaliland, uu Hada Marayo In u kala eexdo labada qof ee hayb ahaan kasoo kala jeeda Hargaysa iyo Berbera oo uu Garab siiyo hadba qofka ay isku deegaanka yihiin taasi oo lagu Dulmiyay awoodii qaranka dad badan oo shacabka ah halka uu Dadka qaarna  cidii ku haysatay hantidoodu uu ku khasbay mudada dacwadu socoto in loo kala qaybiyo dhaqaalaha kirada guriga ay  isku haystaan.

Halka qaarkamid ah shacabka reer Somaliland  oo kiisas ka galeen maxkamada ay sheegayaan in gudoomiye aadan u adeegsaday awoodii qaranka oo qof hantidoodii dhacay uu Awoodiisa ku Meelmariyay xataa in uu xidhaba qofkii dhibanaha ahaa ee ka dacwoonayay.

Dhanka kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud Waa Ah Halka bahda Cadaalada uqaabilsan Oogoosita Dacwadaha, ,dabogalka iyo Baadhitaanka kiisaska dadka lasoo xidho oo ay iyagu ciidamada Boolisku ilaalinayaan sharciga iyadoo si joogta ah u kormeeraya saldhigyada si ay uwaraystaan maxaabiista ku Xidhan iyo waxyaabaha loo haysto balse xafiiska xeer ilaalinta Guud ee qaranku way gabtay shaqadeedii taasi oo saldhig u ah khaladaad, iyo sharci darada lagu haysto bulshada ku xidhan Saldhigyada iyo in Waarano aan loo meeldayin loo goosto Shacabka iyadoo qodobada lagu eedeeyaynaya laga dhigo kuwa Aan damaanad lahayn oo aan khusaynin kiiska ama eeda loo Haysto taasi oo lagu xalaashado xadhiga sharci darada ah  ee muwaadiniinta lagula kaco.

Shacabka Somaliland ayaa iyagu iswaydiinaya halka uu dhacay Xeer ilaaliyiihii guud ee qaran oo shaqadii uu umada u hayay Gabi ahaanba ay noqotay mid fadhiida islamarkaana, masuuliyiinta xafiiska  xeer Ilaalinta gobolka maroodi jeex ay siyaabo kala duwan ugu tagri falaan Awoodiisii, wallow dadka qaar ay qabaan in xeer ilaaliye Xasan uu kula socdo falalka ay ku kacaan xeer ilaalinta gobolka Maroodi jeex oo xataa cunaha iskaga duubay xukunada kazoo Baxa maxkamadaha oo ay mid walba Anbiil ka qaataan, si dacwadu usii socota,

Wallow Guddoomiyaha Maxkamadda sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Somaliland  Aadan Xaaji Cali , Xeer ilaaliyaha guud Mr Xasan Iyo  cid kasta Oo masuuliyaddaas leh, Ay la gudboonayd inay Allaah ka baqaan, isla markaana musuuliyadda saaran sideeda u gutaan oo ay iyaguna ka dheeraadaan ku dhaqanka arrimahaan ka soo hadalnay, dabagal, kormeer iyo hubinna ku sameeyaan sida ay Maxkamaduhu u shaqeeyaan, siday sharciga ugu dhaqmaan, siday dhex-dhexaad u yihiin iyo siday masuuliyadohooda Garsoorayaasha iyo Kaaliyeyaasha Maxkamaduhu u gutaan

Haddii, ay sidaasi dhici waydo oo nidaamka Garsoorku qaabkaa walaaqan ku sii socdo, waxaa iman doonto in dhammaan Bulshada Somaliland ka kalsooni dhigaan, waxaanay kalsooni la’aanta Hay’adaha Garsoor bulshadoodu ka qaaddaa ay keeni doonto in qof waliba Sharciga gacantiisa ku fushado iyo in kala-aargoosi baahsani yimaadda oo ay wiiqmaan kala dambaynta iyo sharci wax ku doonistu. Waxaanay kuwaasi keenaan ama keeni karaan dhibaatooyin amni-darro iyo burbur waddan, dawladeed iyo Qaranba.

LASOCO QORMADEENO DANBE OOO AYN KAGA HADLI DOONO ARIMO KALE OO XIISO LEH

Sharciyaqaan Iidle Warsame (Kooto)

Sharci-yaqaaniidle@aol.com