Prof Ibraahim Meecaad oo ka digay Shir-qoollo ka dhan ah Madax-bannaanida Somaliland iyo Damaca Marinka Badda Cas

 

Hargeysa (SalaanMedia)- Prof Ibraahin Maxamed Meecaad Oo Kamid Aqoonyahanka Reer Somaliland Ee Degan Dalka Canada,Kana Mid ahaa Saraakiisii Hormuud ka ahaa Halgankii Dib Uxoraynta Jamhuuriyada Somaliland ayaa si adag uga Hadlay Ergayga Madaxwaynaha Somaliya Umagacaabay Arimaha Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed Oo Aanay somaliya gabi ahaanba maamulkeeda Gacanta ku hayn, kana mid ah dhulka Jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale Prof Ibraahim Meecaad Ayaa ka digay Shirqoolada ay Somaliland usoo maleegayaan Raysal-wasaaraha Itoobiya abiy Axmed ,Madaxwayne Geelaha Jabuuti iyo madaxwaynaha somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo oo isagu Aan maamulka Amaanka magaalada muqdisho.

Dhanka Kale Prof Meecaad ayaa madaxwaynaha somaliland ugu baaqay in uu shacabka la hadlo kuna dhawaaqo in La galay Marxalad Dagaal lagu soo qaaday Madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Somaliland.