Wasiirka Khaarajiga MALAWI oo Ujeeddada socdaalkiisii Hargeysa ku sheegay Xaqiiqo-raadinta Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa (SM)- Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Eisenhower Mkaka oo booqasho ku jooga Somaliland maalmihii u danbeeyay, ayaa ka hadlay ujeeddada dhabta ah ee uu xambaarsan yahay socdaalka uu ku soo gaadhay Somaliland.

Eisenhower Mkaka oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi Sabtidii toddobaadkan, kaddib markii uu booqasho ku yimi Somaliland, ayaa iska fogeeyay warar lagaga faafiyay baraha bulshada dalka Malawi oo qaarkood sheegayeen inuu diyaarad madaxtooyadda Malawi leedahay oo nooca Jet-ka loo yaqaan ku tegey Somaliland.

Haseyeeshee Mkaka oo iska difaacaya eedahaa, ayaa sheegay in booqashada uu ku joogo Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay mid rasmi ah, isla markaana wuxuu meesha ka saaray inuu socdaalkiisa u adeegsaday diyaaradda Madaxtooyadda Malawi.

Si aad uga Bogato Xogta Warkan oo dhammeystiran, Guji Sawirka Hoose