XAALIDIHII GEESKA AFRICA IYO GUUD AHAAN GOBOLKA BARIGA AFRICA OO U MUUQDA QAAR AAN KA SOO RAYNAYN IYO XALKA MUSTAQBALKA

XAALIDIHII GEESKA AFRICA IYO GUUD AHAAN GOBOLKA BARIGA AFRICA OO U MUUQDA QAAR AAN KA SOO RAYNAYN IYO XALKA MUSTAQBALKA

Gobolka Bariga Africa amaba Geeska Africa da weyn ( Greater Horn of Africa ) ayaa waxa uu u muuqdaa mid aan xaaladihiisa nabadgalyo iyo siyaasadeed ka soo raynayn taasi oo dhib iyo dib u dhac ku ah dadka ku nool gobolkan oo qarniyadii la soo dhaafay ay u ahayd dagaalo kala ujeedooyin duwan , tartano awood raadis iyo is muquunin , colaado isir,  diimeed iyo dano u badan.
Arimahani waxa ay sababeen in Gobolkani oo ah xaga khayraadka dabiiciga ah , goobta uu aduunka kaga yaalo iyo cimiladiisaba mid hodan ah oo u baahnaa daah fur iyo in dadka Gobolka looga faaiideeyo mid faqri iyo saboolnimadu kor u kacday,  colaadaha isirku ku soo noqnoqdeen, dadka gobolkani oo noqday dadka ugu badan qaarada Africa ee qaxooti , iyo nolol raadis ugu baqoola qaarada Europe.
Waxaasi oo dhibaato ah waxa dhaliyey deganaansho la’aan siyaasadeed oo dhalisay dagaalo qabaail ama qoomiyado , hogaamin suuban oo aanu guud ahaan gobolku helin oo kor u qaada aragtida dadka iyo qoomiyadaha kala duwan ee Gobolka kuwada nool oo u abuurta iskaashi,  wax wada qabsi iyo wadajir lagu gaadho barwaaqo iyo horumar.
Maaha wax culus ama aan la yeeli karayn ee waa nidaam wanaagsan oo maamul oo sharci iyo xuquuqda muwaadiniinta si wanaagsan u dabaqaya oo la dhigto oo qofwaliba uu kalsooni ku qabo dalwalba gudihiisa,  nidaamka hogaamineed oo noqda mid dadka u horseedaya walaalnimo iyo wadajir ee aan noqon mid dantiisa ama dalka u baabiinaya ama siyaasad ahaan madaxa isugu galinaya sida caadada ah ee dhacda taasi oo abuurtay cuqdado iyo qoqob uu kala xidhmo gobolkani.
Dadka aduunku dhamaantood way soo kacaa kufeen oo dhibaatooyinkani soo mareen laakiin waxa ay kaga gudbeen samir , adkaysi,  wax wada qabsi iyo hab maamul oo wanaagsan oo ay sameysteen iyo dad u kacay oo kala soo danaashay marxaladahaasi ay ku jireen ee adkaa oo ahaa dad indheer garad ah oo arkayey  rejada dambe iyo mustaqbalka dadkooda .
Waxyaabaha Abuuraya deganaansho la’aanta waxa ka mid ah ;
1- Dawladaha aduunka ee danaha kala duwan ka leh gobolkani ayaa iyaguna aad moodaa in kala hororsiga danaha iyo siyaasada ay wataan in ay gobolkani u soo rareen colaado iyo dagaalo cusub oo uu ka mid yahay dagaalka argagixisada iyo argagixisada lafteeda oo Gobolka kaga timid dibada marka aad eegto hab dhaqankii nololeed iyo bulsho ee dadka gobolkani u noolaan jireen oo aan wax raad ah ku lahayn argagixisada iyo waxa maanta socda.
2- Kala hororsiga ilaha dhaqaale iyo weel u tolashada ganacsiga aduunka kale lala leeyahay oo dalwaliba rabo in uu muhiim iyo xudun ka noqdo afkana u dhigto macaamilka Gobolka iyo dunida kale taasi oo abuuraysa dani iyo is riix-riix dhaliya dagaalo iyo colaado siyaasadeed.
3- Qaabka dadka gobolkani u degan yihiin oo ah mid qoomiyado ah oo ku salaysan isir kaasi oo isaguna abuura colaado dhul-balaadhsi iyo in la isku dilo talada dalka oo loona arko nidaamka maamul ee dalka wax qabiil ama qomiyadiba mar kaligeed inta kale muquuninayso oo talada uga faaiisanayso danaha qoomiyadaasi ama qabiilkaasi.
4- Colaadihii guunka ahaa ee ku saleysnaa dagaaladii hore ee taariikheed ee la isku dilayey diinta , isirka , dhulka iwm,  oo iyaguna ka tagey riiq iyo taariikho aan dadku iloobin oo saameyn ku yeeshay horumarkii,  wada noolaanshihii,  wax wada qabsigii iyo in danta meel looga soo wada jeesto.
5- Adeegsiga siyaasiyiinta siyaasada gabowday ee qaybi oo xukun oo ah halka salka u ah 60 sanadood ee ugu dambeeyey in uu gobolkani ay ku soo noqnoqdaan colaado siyaasadeed,  qaar qoomiyadeed,  iyo dagaalo dabada ku haya dano oo fursad siin waayey in la fekero oo halka la joogo hore looga socdo.
MAXAA MUSTAQBALKA IMAN KARA HADII SIDAN LA SII AHAADO ?
b) Hadii sidan la sii ahaado waxaa iman kara in guud ahaan gobolkani uu dib u wada dhaco oo uu yimaado bur-bur laxaad leh iyo dib u dhac , sidoo kalena ay argagixisada iyo dadka cadowga ku ah nolosha dadku fursad u helaan in ay qabsadaan guud ahaan gobolka taasi oo aduunka intiisa badana galin karta halis weyn maadaama uu gobolkani ku yaalo meel dunida u ah isku xidh iyo biriij oo badda cas iyo badweynta hindiya ba ay suuragal tahay in ay kala xidhanto.
t) Dagaalo iyo burbur hadii uu yimaado waxa dhacaysa in barakac iyo qaxooti bilaabmo oo dhawrka boqol ee milyan ee gobolkani ku nooli ay qarqiyaan qaaradaha kale iyo qaybaha kale ee qaarada Africa oo halkanina noqoto xarun dagaal iyo bahalo galeen aanay nololi ka suurtagalayn mustaqbalka.
MAXAA LAGAGA GUDBI KARAA HALISAHA KU GEDAAMAN GOBOLKA?
Waa su’aal ay waajib ku tahay qofwaliba oo ku nool gobolkani in uu ka fekero mustaqbalka Gobolka iyo halka ay xaaladihiisu ku dambayn karaan iyada oo waliba hada lagu jiro xili aad u xasaasi ah oo doorashooyin jiraan , waxa aan is leeyahay waxa aan ka soo hadalnay oo dhan waxa xal u noqon kara tobankan qodob ;
1- Aragti siyaasadeed oo xayndaabka qoomiyadaha iyo isirka dhaafsan oo la helo una damqanaysa rejada iyo mustaqbalka dambe ee Gobolka oo abuurta waji cusub iyo wado loo raaco mustaqbalka dambe ee wanaagsan ee la rajaynayo.
2- Nidaam wanaagsan oo maamul iyo siyaasadeed oo dalwalba loo dhigo oo soo saara jiilasha dambe ee hogaamin doona Gobolka iyo koboc aragtiyeed oo dhaafsan xayndaabka danaha gaagaaban ee aan gondaha dhaafsanayn .
3- Qorshe cad oo ay dadka gobolkani ka yeeshaan mustaqbalka dambe iyo urur goboleedka oo noqda mid ka awood iyo aragti fog sida uu maanta yahay isla markaana aan u adeegin in gaar ah una habran cidnaba.
4- Colaadaha iyo khilaafyada siyaasadeed,  kuwa xuduudaha iyo qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federalka Somalia oo xal waara loo helo.
5- Gobolka oo meel uga soo wadajeesta daminta colaadaha,  ilaalinta xuquuqaha dadka,  iyo ka digtoonaanta wax walba oo abuuri kara fawdo iyo burbur umadeed.
6- Urur ganacsi iyo isku xidhka bariga Africa iyo Geeska Africa da weyn oo la aas-aaso oo ku shaqeeya shuruuc iyo qawaaniin dadka Gobolka iyo dawladuhu heshiis ku yihiin si isdhexgalka iyo horumarku u noqdo mid meelwalba gaadha.
7- Qadiyada ciidamada bada cas iyo ilaalinteeda oo noqota mid gobolku kaalintiisa ku yeesho oo aan noqon mashruuc iyo dan la kala jiidanayo.
8- Khilaafka iyo colaadaha ku saleysan isirka oo  la dhameeyo si umaduhu ugu noolaadaan wanaag iyo walaalnino, dawladuhuna u noqdaan qaar shaqeynaya.
9- Ururada Argagixisada oo meel looga soo wada Jeesto Isla markaana yeesha qeexdin la Isla yaqaano si aan dawlad waliba mucaaridkeeda ugu eedayn argagixiso sidii ONLF iyo SNM oo kale midna Ethiopia u arkeysay argagixiso midna dawladii milateriga ee Somalia ka talin jirtay walow aanu aduunku ka hoos qaadin Somalia.
10- in dalwalba iyo guud ahaan gobolkuba xal u helo daah furka khayraadka iyo sidii mustaqbalka loo wadaagi lahaa oo aanu horumarku caqabad ku noqon nabadgalyada iyo xasiloonida Gobolka guud ahaan marka khayraadka la soo saaro.
Hogaamiye Muxamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama