Xuska Maalinta HIV/AIDS: Heer Xannuunka oo kor u kacay iyo Baaq bulshada loo jeediyey

Hargeysa (SalaanMedia)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibad loo qabtay Xuska maalinta Caalamiga ah ee AIDS-ka oo loo asteeyey 1 bisha Decebeer, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS ee Somaliland.