Cilmi-baadhid ku Saabsan Cudurka Cancer-ka

Inline image

Cilmi-baadhid ku Saabsan Cudurka Cancer-ka
Hordhac…..Aqoon la’aani waa Iftiin la’aan, Qof kasta oo dunidan ku nooli wax walba ma wada yaqaan, kolay waxna wuu yaqaan waxna waa ka dhimanyiin. Hadaba waxa muhiim ah in dadku ay isku dayaan in wax ka ogaadaan Aqoonta guud, siiba wax yaalaha la xidhiidha Aqoonta guud ee Caafimaadka iyo saxada.Cancer-ka waxaa keena unugyo aan caadi ahayn oo si deg deg ah u kora. Jidhka dadka caadi ayey u tahay in uu unugyada gaboobay ama duugoobay ku beddelo kuwo cusub, laakiin unugyada Cancer-ku si deg deg ah ayey u koraan.
Unugyada Cancer-ka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan koritaan loo yaqaanno burooyin. Burooyinka oo dhan cabbirkoodu wuu kordhaa, laakiin burooyinka qaarkoodna si deg deg ah ayey u koraan, kuwa kalena si gaabisa.

Noocyada Burooyinka
• Burooyinku qaarkood maaha kuwo Canser leh. Kuwa aan sidin Cancer-ka waxa la yidhaahdaa burooyin aan halis ahayn. Waxay ka samaysan yihiin unugyo aad ula mid ah unugyada caafimaadka qaba. Burada noocaas ah waxa ay iskaga taalaa hal meel ah, kumana fido unugyada iyo xubnaha caafimaadka qaba.

• Burooyinka Cancer-ka ah waxa la yidhaahdaa burooyinka halista ah. Cancer-ka ka yimaada burooyinkaan, isaga oo u maraya dhiigga iyo habka dheecaanka jidhka ayuu ku faafaa qaybaha kale ee jidhka.
Marka uu Cancer faafo, waxaa loo yaqaannaa “metastasis”. Unugyada Cancer-ku waxay ku safraan jidhka iyaga oo ka imaanaya burada, loona yaqaanno meesha aasaasiga ah, kuna faafaa qaybaha kale ee jidhka.

Noocyada Cansar-ka
Waxaa jira noocyo badan oo kansar ah.
• Karsenoma (carcenoma) waa nooca ugu badan ee kansarka. Kansarrada sanbabka, xiidmaha, weyn, naaska, iyo ugxansiduhu badanaa waa noocaan.
• Sarkooma (sarcoma) waxaa laga helaa lafta,baruurta, iyo muruqa.
• Lymphoma waxa uu ka bilaabmaa qanjidhada sameeya habka difaaca jidhka. Waxaa ka mid ah Hodgkin’s iyo Non-Hodgkin’s Lymphomas.
• Luukiimiya  (leukemia) waxa uu ka bilaabmaa unugyada dhiigga ee ku kora dhuuxa lafta waxaana tirooyin badan iyaga oo ah laga helaa marinka dhiigga.

Calaamadaha Cansar-ka
Calaamadaha kansarku waxay ku xidhan yihiin nooca iyo meesha ay buradu ku taalo. iyada oo kansarrada qaarkood, laga yaabo in aanay jirin wax calaamado ah ilaa iyo inta ay buradu ka weynaanayso.
Calaamadaha caamka ah waxaa ka mid ah:
• Dareemid daal faro badan
• Jidhka oo misaanku ka dhaco iyada oon la’ogayn sabaabta
• Xumad ama Qandho, qadh-qadhyo ama dhidid habeenkii ah
• Gaajo la’aan ama adiga oo aan dareemin gaajada
• Raaxo la’aan jidh ahaaneed ama xanuun
• Qufac, neefta oo aanad qaadan karin ama feedh xanuun
• Shuban, ama dhiig saxarada soo raaca
Marka Cansar-ka la ogaado, baadhitaanno ayaa la sameeyaa si loo arko haddii uu Cansar-ku ku faafay qaybaha kale ee jidhka. Sawirro, raajo iyo baadhitaan dhiig ayaa laga yaabaa in loo baahdo.

Daryeelkaaga
Dhakhtarkaagu waxa uu go’aansan doonaa daryeelka loo baahan yahay isaga oo ku saleysan:
• Nooca cansar-ka
• Sida ugu dhakhsaha badan ee uu kansarku u korayo
• In uu cansar-ku ku faafay qaybaha kale ee jidhkaaga iyo in kale
• Da’daada iyo caafimaadkaaga guud

Daaweynta kansarka ee ugu badan waa:
• Qalliin meesha laga saarayo burada iyo unugyada u dhow
• Daawo kiimiko ah si hoos loogu dhigo ama loo baabiiyo koritaanka ama loo yareeyo unugyada kansarka
• Daawooyin kale si loo daaweeyo saameynada liddiga ah, laguuguna caawiyo in aad si wanaagsan u bogsato

Ka Hortag
Waxaad halista kansarka hoos ugu dhigi kartaa adigoo:
• Aan sigaar cabbin ama isticmaalin tubaako/buuri.
• Isticmaalaya qorrax celiye, koofiyado iyo dhar si aad Ogadaada ama maqaarkaaga u dhowrtid markaad debedda joogtid
• Ka fogow cabitaanka Khamriga iyo Cunitaanka Qaadka
• Yareeya cunnooyinka dufanku ku badan yahay ee aad cunto, gaar ahaan kuwa xoolaha ka yimaada
• Adiga oo cuna khudrad fara badan iyo cunnooyinka qamadidu dusha kaga xardhantahay
• Adiga oo jidh ahaan noqonaya mid fir-fircoon
• Dhakhtarkaaga u tag sanad kasta. Baadhidda kansarku waxaa laga yaabaa in ay caawiso in kansarka la ogaado wakhti hore, si fududna loo daaweyn karayo.

Source: Midical Journal.
Waxa soo Tarjumay: Osman Abdillahi Sool……Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

Inline image