Isku-daygii Ugu Denbeeyay Ee Lagu Laalayay Guusha Joe Biden Oo Fashilmay.

mike_pence_by_gage_skidmore_4Waxaa guuldarraystay iskudaygii ugu dambeeyay ee ay wadeen xulafada Madaxweyne Donald Trump ee ay doonayeen in lagu laalo natiijada doorashadii Mareykanka ee la qabtay bishii Nofeembar.

Xaakim ku sugan gobolka Texas ayaa waxa uu diiday kiiskaasi uu maxkamadda horkeenay Louie Gohmert oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kaas oo doonayay in Madaxweyne ku xigeen Mike Pence uu joojiyo inuu meelmariyo natiijada kama dambaysta ah.

Qareennada Mr Pence ayaa waxa ay Khamiistii codsadeen in kiiskaasi meesha laga saaro.

Madaxweynaha la doortay, Joe Biden, ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego 20-ka bishan Janaayo. Mr Trump ayaanan weli qirin in laga adkaaday.

Mr Gohmert oo ah Jamhuuri ka tisan Kongareeska Mareykanka ayaa waxa uu Newsmax TV u sheegay inuu qorshaynayo inuu racfaan ka qaato go’aankaasi.

Saaxiibbada Mr Trump iyo dadka ay howl-wadaagta yihiin ee ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa tan iyo Nofeembar waxa ay maxkamadaha geeyeen tobannaan dacwo oo ay doonayaan inay ku laalaan natiijada doorashada uu guusha wayn ka gaaray Mr Biden.

Kiiska xubintan ka tirsan Koongareeska ee lagu magacaabo Gohmert, ayaa waxaa lagu doonayay in Madaxweyne ku xigeen Mike Pence uu diido qaar ka mid ah cododka ergada doorashada markii ay Koongareesku meelmariyaan 6-da bisha Janaayo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kor kala soconaya xaqiijinta codka lagu soo bandhigayo Koongareeska, halkaas oo maamuus ahaan uu madaxweyne ku xigeenku ku furi doono laguna tirin doono bashqadaha ay ku jiraan cododka ergada doorashada ka hor inta aanan natiijada lagu dhawaaqin.

Kiiska Mr Gohmert ayaa waxaa loogaga gol-leeyahay in lagu ballaariyo xilkaas oo Mr Pence loo ogolaado inuu go’aan ka gaaro saxnimada cododkaas, iyo in ugu dambayntii uu cododka Biden uu helay uu ku badelo kuwo uu leeyahay Mr Trump.

Hasayeeshee Xaakim Jeremy Kernodle, kaas oo 2018-kii uu Trump u magacaabay maxkamadda Texas, ayaa diiday kiiska, isagoo sheegay inuu ku salaysan yahay dhacdooyin mala awaal ah.

Khamiistii qareen ka socday Wasaaradda Cadaaladda ee Mareykanka oo matalayay Mr Pence ayaa waxa uu Mr Gohmert ugu baaqay inuu kiiska iska dhaafo, iyadoo uu soo jeediyay in xafiiska madaxweyne ku xigeenka uusan lahayn shaqada ah inuu baaro natiijada soo baxday.

Walow la filayo in inta badan Jamhuuriyiinta ku jira Kongareeska ay u codayn doonaan xaqiijinta natiijooyinka, ayaa haddana tira yar oo uu ku jiro Senator Josh Hawley, waxa ay sheegeen inay qorshaynayaan inay arrintaas ka hor yimaadaan. Hasayeeshee codkooda lama filaayo in natiijada ay wax ka badalaan.

Mr Biden ayaa lagu wadaa xilka madaxtinimada loo dhaariyo 20-ka bishan Janaayo, iyadoo xafladda dhaarinta ay ka qeybgeli doonaan 1,000 qof oo kaliya, taxadar fayraska korona awadii.

Source: BBC