SAWIRRO: Murashaxiinta Golaha wakiilada iyo Deegaanka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera Eng Axmed Cali Nuur iyo Maxamuud Maxamed Jaamac, ayaa

SAWIRRO: Murashaxiinta Golaha wakiilada iyo Deegaanka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera Eng Axmed Cali Nuur iyo Maxamuud Maxamed Jaamac, ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo qaar kamid ah hogaanka iyo xoghayayaasha Xisbiga Ucid .

Waxaana kasoo qeyb-galay, Xildhibaano, Madaxdhaqameed, Ganacsato iyo dhallinyaro.

Ujeeddada Casuumaddan ayaa ahayd mid ay odayaasha iyo madaxda Dhaqanka ee Deegaanka ay kasoo jeedaan labadan Murashax ay ugu mahad-naqayeen Guddoomiye Faysal, Maadaama uu aqbalay Murashaxnimada labadan Murashax.

Waxaana Murashaxiintan wehelinayay Odayaasha Iyo Madax-dhaqameedka Deegaanka ay kasoo jeedaan,

Waxaa halkaas ka hadlay xubno isugu jiray Madax-dhaqameed Iyo Odayaal, waxanaay sheegeen in labadan Murashax ay yihiin labadii Murashax ee Deegaanku soo xulay iskuna Raacay.

Guddoomiye Faysal Oo gabo-gabadii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aqbaleen labadan Murashax isla markaana ay kamid noqon-doonaan Murashaxiinta Xisbiga Ka sharraxan.