Somaliland: Agaasime la beddelay oo HEES lagu sagootiyey

Hargeysa (SM)- Fannaaniinta Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa hees ammaan oo ay ku sagootiyeyaan u qaaday agaasimihii hore ee Wasaaraddas Mukhtaar Maxamed Cali oo loo beddelay Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Heestan ayay fanaaniintu ka qaadeen xafladdii xil-wareejinta Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ee Warfaafinta.