Wariyihii caanka ahaa ee BBC Soomaali oo ku geeriyooday London

Axmed Cabdinuur iyo weriyayaal kale oo ka tirsan BBC
Qoraalka sawirka,Axmed Cabdinuur iyo weriyayaal kale oo ka tirsan BBC

Mid ka mid ah wariyeyaashuu rug-caddaaga ahaa ee ugu caansanaa laanta Afsoomaaliya ee BBC-da ayaa ku geeriyooday magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisaba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay noo xaqiijisay xaaskiisa, Seynab Yaasiin Xirsi, oo qudheeda ka mid ahaan jirtay gabadhaha suxufiyiinta ah.

Warka ku saabsan geeridiisa ayaa aad uga nixiyay guud ahaan shaqaalaha BBC-da, gaar ahaan asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen iyo kuwii uu tusaalaha lagu daydo u ahaa.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fariistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kumuu ahaa Axmed Cabdinuur?

.

Dhammaan suxufiyiintii ay isla soo shaqeeyeen Axmed waxay isku raaceen in uu ahaa qof dabeecad wanaagsan oo dulqaad uu Alle siiyay.

Dhinaca shaqadana uu ahaa mid ka mid ah wariyeyaashii ugu waaweynaa Soomaalida, oo kasoo howl galay Radio Muqdisho iyo BBC.

Axmed Cabdinuur wuxuu magaalada Ceelbuur ku dhashay sanadkii 1955-kii.

Waxa uu wax ku bartay magaalada Muqdisho oo uu uga baxay dugsigii Macallin Jaamac, kaddibna wuxuu dhigtay Jaamacaddii Lafoole.

Sanadkii 1982-kii ayuu ku biiray Radio Muqdisho, kaddibna wuxuu ka mid noqday raggii ugu horreeyay ee lagu billaabay telefishinka Qaranka Soomaaliya.

Howlihii uu kasoo qabtay BBC-da

Waxaan idin soo gudbineynaa waayihiisa weriyennimo intii uu la joogay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC iyo waxyaabihii u la soo kulmay intii uu saxaafadda ku soo jiray.

Axmed Cabdinuur wuxuu ku geeriyooday London
Qoraalka sawirka,Axmed Cabdinuur wuxuu ku geeriyooday London

Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray iddaacada, wuxuuna ka sheekeynayaa waxyaabihii uu la kulmay intii uu ka shaqeynayay magaaladaasi.

Mar uu ka sheekeynayay taariikhdiisii shaqo ee BBC-da, xilligii uu ka fariistay sanadkii 2019-kii, ayuu hadalladan yidhi:-

Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah”.

Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashooda ayaa hanjabaad ii soo diri jiray sida “waan ku dilaynaa” marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay “horta maxaad warka u baraxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid”. Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xiriir dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood.

Waxaa kaloo dhibaato ahayd sidii wararka lagu heli lahaa iyadoo isgaarsiintii dalku burburtay markii ay dhacday dowalddii milateriga 1991-dii.

Marka aad warka diyaarisana waxaa dhib ahayd sidii aad u soo diri lahayd sababtoo ah Internet iyo telefoonka gacanta ma jirin waxaa keliya oo la adeegsan jiray telefoonka guriga oo tayadiisu aanay aad u wanaagsanayn. Codadka iyo waraysiyada waxaan ka shidi jiray rikoor markaas ayaan telefoonka saari jiray si studio London loogu duubo.

Wuxuu haddana ka sheekeeyay markii uu u soo wareegay xafiiska Nairobi

Si dhaqso ah ayaan ugu soo caanbaxay shaqada fiican ee Muqdisho aan ka qabtay wuxuuna madaxii laanta, Maxamed Cabdullaahi ii fidiyay fursado aan ku sii horumaro sida tababarro aan London u imid iyo inaan marmar si ku-meel-gaar ah uga shaqeeyo xafiiska Nairobi oo berigaas uu joogay Allaha u naxariistee Axmed Maxamed (Taajir) oo keliya.

Intii aan xafiiskaas ka shaqeynayay waxaa dhacay qaraxyadii Al-Qaacida ku qaadday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daresalam. Keligey ayaa waqtigaas xafiiska joogay, waayo Axmed London ayuu ku maqnaa. Idaacad kasta oo baxaysa war ayaan u soo diri jiray.

Kaddibna xafiiska London

Markii dambena, sanadkii 2000 London ayaa shaqo laga iga siiyay, muddo sanad iyo bar ah dabadeedna waxaan qaatay fasax lacag la’aan ah. Labo sano kaddib ayaan BBC-da ku soo laabtay wixii waqtigaas ka dambeeyayna London ayaan ka shaqeynayay marna weriye madax bannaan ayaan ahaa marna shaqaale rasmi ah.

Shaqada London qudheedu ma sahlanayn, waayo shaqaale yaraan ba’an ayaa na soo martay. Waxaa jirtay beri aan keligey qaban jiray shaqooyinka soo saare, tebiye, war akhriye iyo farsamayaqaan oo weliba xilli habeen ah si barnaamijka subaxii u baxo.

Muddadaas dheer ee aan saxaafadda gudaha iyo tan caalamka ku soo jiray, laga soo bilaabo 1982, waxyaabaha is-beddelay waxaa ka mid ah: qaabka dadku u fekero, waagii aan warbaahinta dowladda Soomaaliya ka shaqayn jiray lama oggolayn in su’aal adag la weydiiyo madaxda sare, hase yeshee kuwa maanta jooga fursaddaas ma haystaan waayo wax adag iyo wax aan jirin intaba waa la weydiiyaa.

Kaalinta haweenka ee ka qayb galka hawlaha warbaahinta ayaa iyaduna si weyn isu-beddeshay oo tiradoodu aad u korortay.

BBC waa hay’ad aad u wanaagsan marka la eego qaddarinta shaqaalaheeda iyo ka go’naashaha inay dhegeystayaasheeda siiso warar run iyo dhexdhexaad ah.

Axmed Cabdinur ayaa BBC-da la shaqeynaayay ku dhowaad 25 sano.

Xigasho BBC Somali