Xassan Shiikh: “Go’aanka DF ee doorashada midnimada dalka ayuu halis ku yahay”

Madaxweynihii hore ee Somalia musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho qabtay ayaa ka hadlay go’aankii Xukuumadda ee ahaa in la guda galo doorashooyinka, iyadoo ay maqan yihiin Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Xasan Shiikh ayaa go’aankaas ku sifeeyey mid qaldan oo aan xal u noqoneyn khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka.

“Midnimada dalka ayuu khatar gelinayaa go’aanka halka dhinac ee maanta dowladda ku go’aamisay in doorasho ay aadaan qeyb ka mid ah dalka, ayadoo la leeyahay waa laga maarmaa ama loo joojin maayo qeybaha kale, Madaxweynaha sidii ruuxaantii dadka yuusan ka soo dhex hadlin ee bannaanka ha yimaado, haddii shalay doorashooyinkii ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Waxaa uu sheegay in doorasho ku timid xoog iyo boob aysan suuragal aheyn in laga qabto dalka, wixii taas a yimaadana uu masuuliyadeeda qaadi doono Farmaajo.

“Haddii shalay doorashooyinkii maamul goboleedyada qaarkood ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay ee hala ogaado, mana jirto cid laga maarmi karo, dadkii hadalkaas  sheegayna iyagaa masuuliyadda  qaadi doona” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Wuxuu madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada qaarkood u soo jeediyey ineysan Midnimada dalka qatar gelin oo ay taas bedelkeeda ka shaqeeyaan in miiska wadahadalka la isugu yimaado si looga wada tashado doorashooyinka dalka, iyadoo weliba ay beesha caalamkuna marqaati ka ahaaneyso.

“Madaxweyne inaad tiraahdo dowlad goboleedyada qaar waa laga maarmaa, qaarna ciidamo ayaan geysanaa oo xoog dadka iigu soo afduuba, nimankii loo doortay deegaanadaasna ay raali ku yihiin, dadka ka soo jeeda dowlad goboleedyadaas raali kama ahan arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.