BadhasaabkaMaroodi-Jeex, Jaamac Xaji Axmed Oo Xildhibaanadi Jifidiisa Ka Sharaxay XisbigaUcid.+Masuuliyiinta Xilalka Culus Xukuumadda Ka Haya Ee Beelahoodi MucaaridkaIska Sharaxeen.

Badhasaabka Maroodi-Jeex, Jaamac Xaji Axmed Oo Xildhibaanadi Jifidiisa Ka Sharaxay Xisbiga Ucid.+Masuuliyiinta Xilalka Culus Xukuumadda Ka Haya Ee Beelahoodi Mucaaridka Iska Sharaxeen.

 

Kala xulista Murashaxiinta Gobolka Togdheer ayaa maraysa meel xasaasi ah, iyadoo badi Beelaha dega Gobolkaasi isku murugsan yihiin xili wakhtigii xaraynta Xildhibaanadu gebo gebo ku dhawyahay. Arrimaha ugu xiisaha badan ee ka socda Burco waxa kamid ah masuuliyiin Xukuumadda Muuse Biixi ka tirsan oo Xildhibanadoodi geeyay Xisbiyada Mucaaridka.

 

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaji Axmed ayaa ka sharaxay labadii Xildhibaan ee beeshiisa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Jaamac Yare oo Golaha Wakiilada u sharaxan  iyo Cabdisalaan Buraale oo Golaha degaanka Burco u  sharaxan oo ah jifada hoose ee Badhasaabka Hargaysa ayuu si rasmiya uga sharaxay Xisbiga UCID. Taas oo la yaab ku noqotay dadka rer Burco ee la socday kala xulista Murashaxiinta. Beesha Abokor Axmed Faarax oo kamid ah beelaha ugu codka badan Gobolka Togdheer ayaa la filaayay inuu Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex u shukaamiyo Xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE iyagoo midaysan, balse isagoo wax la doonaya jifidiisa hoose wuxuu laba Musharax oo ay Ilmadeer Labaad yihiin u kala sharaxay Golaha Wakiilada iyo degaanka isagoo ka soo sharaxay Xisbiga UCID, taas oo buuq ka dhalisay ardaayadi kale ee Beesha Abokor Axmed.

 

Wararka Saxaafaddu helayso ayaa sheegaya in arrintaas ay siwayn uga soo horjeesteen ardaaga Cabdi Abokor iyo Cumar Abokor iyagoo ku eedeeyay Badhasaabka Maroodi-jeex inuu burburinaayo beesha Xisbigiisana khiyamaynaayo,  iyagoo shaciyay inay dhankooda go’aan qaadan doonan.

 

Xildhibaanda Baarlamaanka iyo degaanka oo Odayaasha dhaqanku soo xulayaan guud ahaan Somaliland waxa ka soo baxay hanaan lidi ku ah Xisbiyada iyadoo la arkay masuuliyiin Xukuumadda Xil u haya oo hadana Xildhibaanadooda ka soo sharaxaaya Xisbiyada kale. Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil ayaa kamid ah Masuuliyiinta Xildhibanadii degaankiisa ee (Aadan Waraabe iyo Saleebaan) ay iska sharaxeen Xisbiga WADDANI. Halka Jifada Bah-Awal oo ah ardaaga  Wasiirka arrimaha Gudaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE  Maxamed Kaahin Axmed ay Murashaxoodi gaysteen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Talaabadan laba wajilaynta ah ee Badhasaabka Hargaysa uu qaaday waxay khasaare ku tahay midnimadii Beeshiisa iyo Xisbiga uu ka tirsanyahay taas oo banaanka keentay inuu kala socdo Xisbiga KULMIYE.

Cawil Nuur Doonyo.

Burco/Somaliland.

Email: doonyayste@gmail.com