Daawo Qaabkii Magaalada Hargeysa loogu Aasay Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Madaxda Qaranka oo Taariikhdiisa ka hadlay

 

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo badhtamaha caasimadda Hargeysa loogu sameeyey suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kamid ahaa salaadiinta faca weyn, kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka dhacay xabaalo ku yaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay hore ugu Aasnaayeen waalidiintiisii, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay badiba madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, garaaddo iyo madax-dhaqameed ka socday dalalka deriska ah, hoggaanka axsaabta qaranka, siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahan, haldoor kala duwan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Somaliland, waxana si wada-jir ah loogu duceeyey suldaanka geeriyooday.