Hargeysa: Madal Kulmisay Haldoorka Soomaalida oo Hadhimo-sharafeed loogu sameeyey Suldaanka Guud ee Somaliland

 

Hargeysa (SM)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, madaxda Xisbiyda Qaranka, Siyaasiyiin, Salaadiin iyo Madax dhaqameed ka kala Socday qaybaha dhaqanka ee Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa ka qayb galay Hadhimo sharafeed loo sameeyye Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu ugu mahad celiyay dhamaan Bulshadii ugu Ducaysay xilka Saldanadeed ee uu la wareegay.

Hadhimo Sharafeedkan oo lagu qabtay Hotel Guuleed ee caasimadda Hargeysa ayaa Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabiqaadir Wuxuu Xukuumadda Somaliland, Axsaabta qaranka, ummadda Somaliland iyo Shucuubta kale ee dhaqan deegaanada Soomaalida uga mahadceliyey ka soo qayb galkii aaskii qaran ee loo sameeyay Alle ha u naxariistee Aabihii Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Caleemo Saarkiisii, waxaanu Ilaahay ka baryay inuu u fududeeyo Waajibaadka balaadhan ee loo igmaday.