Hirgalinta Nidaam-biyoodka Afar magaalo oo ka Tirsan Gobolka Sanaag Waxa Qayb Laxaadleh Ka Qaatay Murashax Aqoonyahan Abdirahmaan Cali Mataan

Hirgalinta Nidaam-biyoodka Afar magaalo oo ka Tirsan Gobolka Sanaag Waxa Qayb Laxaadleh Ka Qaatay Murashax Aqoonyahan Abdirahmaan Cali Mataan
=====================================
Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha iyo Hay’adda Islamic Relief ayaa kala saxeexday heshiis lagu hirgalinayo nidaam biyood loo samaynayo afar magaalo oo ka tirsan Gobolka Sanaag.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta khayraadka biyaha Maxamed Xasan Dirir oo heshiiska sharaxaad ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyuhu iyo Hay’adda Islamic Relief waxa ay wada fulinayaan Mashaariic biyood afar magaalo oo degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag hoos yimaada oo aynu rajaynayno in bulshadu ay noloshooda wax badan ka bedeli doonto.
Magaalada Doonyaha la yidhaahdo nidaam biyood dhamaystiran oo uu ka mid yahay in ceelkii loo qodo oo Bamkii lagu xidho loona dhiso taangigii biyaha magaalada loo qaybiyo beebkii biyaha gaadhsiinayey oo dhamaantood ku shaqaynaya ka faa’iidaysiga qoraxda (Solar system).
Magaalada labaad oo Kalmac ah waxa nidaamkaasi dhameyska tiran oo kale ayaa loo sameyn doonaa, sidoo kale magaalada loo yaqaano Ceel-lamaan iyadana waxa loo dhisi doonaa laba barkadood oo waawaeyn oo midkiiba ay qaadayso 14 kun oo foosto, halka Magaalada Bixin dhalaax loo sameyn doono laba barkadood iyagana oo midkiiba 14 kun oo Foosto qaadayso, waxa aynu rajaynaynaa in magaalooyinkaasi oo masaafo isku jira mid waliba gaarkeeda biyo fiican oo ay ku badhaadho u hesho”.