Kenya oo dalab ku saabsan Soomaaliya u gudbisay Golaha amniga Midowga Afrika

Kenya oo dalab ku saabsan Soomaaliya u gudbisay Golaha amniga Midowga Afrika

Kenya ayaa mar kale ka hadashay xiisada kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya ee sababtay in xiriirkii diblumaasiyadeed loo jaro Nairobi.

Kenya ayaa ka sheegtay kalfadhigii Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika inaysan fara-gelin ku heynin arrimaha Soomaaliya, waxbana aysan ka jirin eedeynta Somalia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sidoo kale ka codsatay Golaha inuu ilaaliyo isku dayga lagu doonayo in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira labada dal.

Dowladda Kenya waxey sheegtay iney si wanaagsan ula falgashay Soomaaliya oo ay daris yahiin isla markaana ay ka mid yihiin dalalka ku deeqay ciidamada nabad ilaalinta  Midowga Afrika ee jooga Somalia.

“Waxaan ka codsanay Golaha ammaanka Afrika inuu ilaaliyo isku dayga lagu doonayo in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan ee saaxiibada Soomaaliya iyo Gobolka” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.