Muslimiinta kunool Japan oo laba-jibbaar kordhay iyo Masaajid badan oo la dhisay

Tirada Muslimiinta Japan ayaa korortay laballaab 10-kii sano ee lasoo dhaafay halkaas oo in badan ay qaadanayaan diinta Islaamka.

Marka loo eego Tanada Hirofumi of Waseda University, waxaa laba jibbaar noqday tirada Muslimiinta Japan, sida laga soo xigtay The Economist.

Sannadkii 2010, tirada Muslimiinta Japan waxay ahaayeen 110,000. Dhammaadka Sannadkii 2019, waxay noqdeen 230,000 halkaas oo 50,000 oo kamid ah ay yihiin dhalad Jabaaniis ah.

Tani waxay sababtay kororka goobaha lagu cibaadeysto sida masaajidda iyo helidda maqaayado iibinaya cunnooyinka xalaasha ah dalka oo dhan.

Maanta, Japan waxaa ku yaalla 110 masaajid. Laakiin weli waxay ku dhib qabaan helidda xabaal ah oo ay ku duugtaan meytidooda.

Laakiin, haddana, Muslimiinta Japan waxay aaminsan yihiin in dalkani yahay goob ku fiican in lagu noolaado.

Islaamka ayaa soo gaaray Japan sannadkii 1920-kii xilligaas oo qulqulka Muslimiintii kasoo barakacday Kacaankii Raashiyaanka ay kusoo baxsadeen.

Taniyo markaasna, Muslimiinta ayaa joogto usoo galayay Japan.