Xisbiga UCID oo Aqbalay Murashaxiinta Beel-waynta Deerayahan

 

Gabiley (SalaanMedia)- Xisbiga UCID ayaa maanta Murashaxiinta u metalaysa Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ka guddoomiye Beelwaynta Maxamed Jibriil (Deerayahan) ee gobolka Gabiley.

Xaflad Heerkeedu sareeyey oo Ay ka soo Qayb Galeen Salaadiinta Waxgaradka .Aqoonyahanka Ganacsato Dhalinyaro. Haween iyo Siyaasiyiinta Beeshaasi Ayuu Gudoomiyaha Xisbig UCID Eng Faysal Cali Warabe Uu Kaga Gudoomay Labada Musharax Ee Beesha Deerayahan.

Suldaan xasan suldaan Nuur oo ah suldaanka Guud Ee Beesha Maxamed jibriil oo Hadalka furay Ayaa yidhi”Gudoomiye Marka Hore Ku soo Dhawoow Gobolka Gabiiley Oo Gobolkaagii ah Marka Xiga Ku Bushaarayso Maanta Hadii Beesha Maxamed jibriil kugu soo Biirta Kursigii Madaxwaynenimo Waxba kaama Xigaane. Adiguna Naga Gudoon Inamadaa Aqoonyahanka ah Ee Beeshu Soo Xushay iskuna Raacsantahay Gudoomiye Beeshu Xildhibaanada uun Uma sacabtumayaan Ee waxaa Naga Go’an inaanu kursiga ku Saarno”

Waxaa isaguna Goobta ka Hadlay Boqorka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Boqor Muxumed Geele seed oo Ku dheeraaday Xidhiidh Fiican Oo Hore uga Dhexeeyey Beesha Deerayahan iyo Xisbig UCID Sidoo kale Boqorku Wuxuu Xisbiga iyo Musharaxiinta-ba ilaahay uga Baryey inuu ku Guuleeyo Doorashooyinka Soo socda”

Boqorka ayaan intaasi ku Daray” Waxaan ka Mid ahaa Ragii Xisbiga UCID Gudoomiye faysal Cali waraabe La Asaasay Soo Bixistii siina Qayb Wayn ayey Beeshani ku Lahayd. Gudoomiye Beeshu inamadaa ay isku Raacday Beeshu Ee Waxaan ilaahay ka Rajaynayaa inay Guulaystan. Xisbiga UCID-na Guulaysto.

Xildhibaanka U Tartamaaya Golaha Deegaanka Ee Gobolka Gabiley Dr Cali Muxumed Xasan Ayaa U Mahadnaqay Xisbiga UCID Oo Aqbalay Musharaxiinta Beesha Iyo Dhaman Dadkii Munaasibada ku sugnaa”

Xildhibaanka Ayaa Balan Qaaday in Hadii ilaahay ku Guuleeyo Xilka Uu Bulshada ugu shaqayn Doono Si Cadaalad ah unna Dhaga-nuglaan Doono Arimaha Bulshada Ee Gobolka Waxaanu Bulshdaka Codsaday inay Codkooda ugu Hiliyaan si Hagar La’aan ah”

Waxaan Halkan ka Balan Qaadayaa inaan Cadaalad u ugu shaqeeyo Bulshada iyo Gobolka Aan ka sharaxanay. Waxaan Guud ahaan Shacabka Gobolka Gabilay ka Codsaaynaa inay Codkooda nasiiyaan oo ay Na Garab istaagan Anaga iyo Xisbiga Aanu ka sharaxnahay-ba.

Markii Aanu Aragnay Baahiyaha Gobolka ka jira oo Aanu u Aragnay inaanu Wax ka Qaban karno’ Waxaan Go’aan saday inaan Magaaladayda iyo Qaranka-ba u shaqeeyo”

Waxaa isaguna Madasha ka Hadlay Xildhibaanka Golaha Wakiilada Beesha u Matali Doona Xildhibaan Muxumed Maxamed Aare”

Waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa” Waxaanu Balanqaadaynaa oo Aanu Doonaynaa inaanu si xalaal ah ugu shaqayno Xeerarka is Dul-saaran Ee Dalkeenu Baahida Wayn u Qabo insha allaah.

Waxaan Cadaynayaa Maanta Aniga iyo Beeshaydu-ba Waxaanu Doonaynaa oo Aanu Diyaar u Nahay in Aanu Gudoomiye faysal cali Waraabe Madaxwayne-nimo Gaadhsiino’

Dadkii-Na soo Xushay Ee Na karaameeyey Hadii ilaahay Nagu Guuleeyo Xilka Waxaanu ugu Abaal Gudi doonaa Shaqo Wanaag iyo Inaanu u Dhaga Nuglaano Baahiyahood.”

Gebo-Gabadii Gudoomiyaha Xisbiga UCID “Eng Fasal Cali Waraabe oo Hadalo Dhinacyo Badan taabanaya Madasha ka jeediyey Ayaa Ugu Horayn Aqbalay Labada Musharax Ee Beesha Maxamed jibriil Abokor Ay u soo Xuleen Doorashada isa Saaran Ee fooda inagu soo Haysa Waxaanu Yidhi” Beesha Deearayahan iyo xisbigu iskuma cusba sida Uu Boqorku sheegay Labadan Xildhibaan Ee Aqoonta leh Ee Aad soo Xulateena Waanu idinka Aqbanay Xisbi Ahaan”.

Musharaxiinta Aad keenteen Aqoon ayaan u Leeyahay oo Xildhibaan Aare Wuxuu Ahaa Nin Aanu saaxiib Nahay oo Ganacsade ah Waxaa siyaasada soo Galiyey Wixii Aniga oo Engneer ah isoo Galiyey Wuxuu u Arkay inuu Dalka Wax ka Qaban karo oo Waa Gurmad Bulsho”