Xukuumadda oo ka Jawaabtay Eedaymo Xisbiga Waddani uga yimi “Lama Eryin ee wuu dallacay”

Hargeysa (SalaanMedia)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Waceyli-gelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland Mr Maxamed Yuusuf, ayaa ka jawaabay eedayn uga timi xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo xukuumadda ku eedeeyey inay dayacday isla markaana shaqada ka eriday agaasimihii hore ee telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji) oo xaalad xannuun u yaalla cusbitaalka International ee Hargeysa.

Xoghayah Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal usoo dhigay bogga baraha bulshada ku sheegay in masuulkaas la dayacay, xilkiina laga qaaday, isagoo xannuun u jiifa.