Afhayeenkii hore ee Duulista oo bogaadiyey Maareeyaha Cusub ee loo magacaabay Hay’adda Duulista Hawada

Hargeysa (SM)- Afhayeenkii hore ee Duulista Hawada ee Somaliland Ismaaciil Cali Axmed, ayaa bogaadiyey xilka Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada oo madaxweynuhu maanta u magacaabay Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan kaddib markii uu isla maanta xilka ka qaaday Maareeyihii hore ee hay’addaas Cabdi Maxamed Rodol.

Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Duulista Hawada Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa xilligan ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Afhayeenkii hore ee Duulista Hawada

Ismaaciil Cali Axmed oo qoraal xambaarsan hambalyo iyo waayo-aragnimada shaqo ee masuulka hay’addaas loo magacaabay ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu sheegay in masuulkani waayo-aragnimo iyo aqoon dheeraad ah u leeyahay xilka loo magacaabay isla markaana uu wax badan ka qaban doono waxa uu ku tilmaamay fadhiidnimo regaadisay hawshii ay qaranka u haysay hay’adda Duulista Hawadu.

Qoraalka uu Ismaaciil Cali arrimahan kaga hadlay, ayaa u dhignaa sidan:-  “Hambalyo Maareeyaha Guud Ee Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Somaliland Cumar-Zayid C/laahi Aadan.

Masuulkan oo aanu wadashaqaynaynay mudo dheer Wakhtigayaga ugu badnaana ee xaga shaqaduna ahaa Hay’addan loo magacaabay oo uu hore uga ahaa Agaasime Guud wakhtigaasi wuxuu gaadhsiiyey Horumar balaadhan waxaanu halkaa kala shaqeeyay Wasiiro dhawra, Hada waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka waxaa hubaala Hay’adaas Duulista oo wakhtigan dib u dhac curyaamiyey oo ka yimi xaga Masuulka hada xilkaasi laga qaaday in Hay’addaasi ka soo kaban doonto, waana sababta looga maarmi waayey Cumar Zayid.

Maareeyaha Cusub ee hay’adda Duulista Hawada

Dhanka kale Cumar Zayid waa Masuul Aqoon iyo Waayo aragnimo dheer leh oo fahamsan iskaashiga Masuuliyiinta Dawladu fa’iidada uu leeyahay waanu la jaanqaadidoonaa Wasaaradda Gaadiidka oo Hay’addan oo madaxbanaani ay u tahay (Line Ministry), dabcan Wasiir Cabdilaahi Abokor oo ay si fiican wakhtigan u wada shaqeeyaan waxay noqon doonaan kuwo iskaashada oo Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ku soo celiya Xayndaabka Hay’addaha Dawlada iyo Sharciga, Hayaddaasi waxa ay gadoon kaga jirtay isku xidhnaanta Hay’adaha Dawladda ee kale, waxaanay u muuqtay goob cid gaar ahi afduubtay.” Sidaas ayuu qoraalkiisa ku sheegay Ismaaciil Cali Axmed.