Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo Lagu Soo Kordhiyey Qayb Casri ah oo Haweenka Si Gaar ah ugu Adeegaysa

Hargeysa (SM)-  Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa Xadhigga ka jaray qaybo Cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo ay weheliyaan  Wasiirrada Waxbarashada, Diinta iyo Awqaafta, Wasiir Ku-xigeennada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha guud ee Caafimaadka iyo Marti-sharaf kale, ayaa Kormeer ay ku mareen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka.

Kormeerkooda, ka dib waxay xadhigga ka jareen Mishiinnada Ogsajiinta amma Neefta dhaliya ee Cusbitaalka, Qaybta Doobbiga oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo Dharka iyo Agabka Bukaanka Cusbitaalka. Intaas ka dibna waxay u gudbeen Qaybta Maskaxda oo dib u habayn lagu sameeyey.