Dowladda Kenya oo war cusub oo yaab leh ka soo saartay dacwadda Badda (Akhriso)

Dawladda Kenya ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku sheegtay in sababta ay dacwadda badda uga qaybgali weyday ay tahay Cadaalad darrada maxkamadda ICJ, xanuunka Covid19 oo hoos u dhigey diyaargarowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah.

Sidoo kale, Kenya waxay ku andacootay in Soomaaliya ay kaga dhinteen ciidan badan, kuwaasoo Soomaaliya ka difaacayay waxaa ay ku tilmaantay Argagixisada iyo Burcad baddeeda.

Kenya waxaa kale oo ay u sheegtay maxkamadda cadaaladda adduunka in arrinta muranka Badda ay gacan saddexaad oo dano ganacsi leh ay ku jirto, kuwaasoo dab kusii shidaya kiiska, sida ay ku tiri qoraalkeeda.

Kenya ayaa ka walaacsan xanuunka guul-darada ku soo fool leh ka dib markii ku fashilantay iney ka qeyb qaadato dacwada badda ee dhowaan lagu soo gebagebeeyey xarunta Maxkamada ICJ magaalada Hegue.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KENYA OO ENGLISH AH