Fiditaanka Cududurka Covid-19 waxaa kow ka Ah Xisbiyo ku sheega Wadanka ku shurkay .

Fiditaanka Cududurka Covid-19 waxaa kow ka
Ah Xisbiyo ku sheega Wadanka ku shurkay .

Waxaa wadanka kusoo laba kac Lee yey rogaal celiskii Cudurka Dilaaga ah ee Covid-19 kaas oo Galaaftay nafo badan oo Caalamka ah ,Somaliland na Waxay ka mid tahay Bulshooyinkaa uu haleelay.
Wuxuu keenay dhaqaale burbur Sababay shaqo la’aan baahsan.
Hadaba wadamada dunidu Itaal ay leeyihiinba waxay dadaal ugu Jiraan sidii ay uga hor tegi Lahaayeen , sidoo kale waxay Wadaan qaabkii ay kuwii uu ku Dhacay ula tacaali lahaayeen.
Somaliland hadaba siday ku Tahay maarayntaas haba joogto awood dhaqaale oo weyni’ ahiyeh .
Ma jirto haba yaraatee wax Talaabo ah oo la taaban karo.
Oo ay qaaday dawladu, waxayse
Ka hadashaa afka oo keliya. Oo weliba markii la canaantay.
Dhowaan duryantay dhowr jeer.
Waxay sheegtayna uu ahaa uun Intii dadku ogaa oo ah intaasaa Dhimatay iyo intaas baa laga Helay, waxaana markasta gaab Ku jiraa xiliga ay toosto iyo kan Dhibaatada xanuunku bilaabanto.
Mana jirto wax taakulo ah oo ay ka Geysataa mashaqadaas.
Waa qawda maqashii waxna Hawqaban!!
Waxaa iyana kow ka ah qaabka Uu u fidayo xanuunku Xisbiyo Ku sheega ka jira dalka ee Shuraakada hada noqday, Kuwaas oo wacyi gelin iyo wax Tar Daayoo ka qayb qaata fidintiisa.
Sababta ay uga qayb qaataana
Waa iyagoo qabanaya xaflado iyo Shirar ka madhan dhamaan wixii lagaga gaashaaman lahaa Xanuunka dilaaga ah, waxay Keliya daneeyaan musharax Hebel baa reer hebel maanta noo Keenay , iyo mid xisbi hebel soo Eryay baa noosoo galay, iyagoo Aan eegayn xisbinimo iyo yaa aaminsan madaadiida xisbiga.
In kastoo aanay hada wax badan Ku kala duwanayn oo ay yihiin dameer iyo labadiisa daan.
Hadana sidaas ayay riwaayda
Ku metelaan, waxaase yaableh
Hadii dadku madho cida Doorasho gelaysa, ismay waydiin.
Dadkuna weli ma fahmin dhibka Uu xanuunku leeyahay.
Waxaan kula taalin lahaa Sadexdaa walaalaha ilaahay Noqday, waar dadka u tudha
Oo ka daaya hagardaamada.
Xanuunkana ka daaya fidinta
Oo joojiya xafladaha iyo shirarka.
Dadkuna haka taxadaraan inay
Goobahaas kusoo buuqaan Si Xanuunka looga hor tago.
Ilaahay haynaga kor qaadee.

Qalinkii
Iman M Ciise