Gola kafuulkii Toorno, Aqoon hadalkii Barkhad Iyo jawaab xumadii Buuni.

Gola kafuulkii Toorno, Aqoon hadalkii Barkhad Iyo jawaab xumadii Buuni.

Waxaa saxaxaafada la hadlay Dhowaan Wasiirka waxbarashada
Somaliland, kaas oo ka hadlayay arimo la xidhiidha wax barashada.
Waxayna hadaladiisu ubadnaayeen hanjabaad iyo caga juglayn, isagoo aad moodaysay In Uu la hadlayo askar meel ku xeraysan ama xero ciidan uu joogo, marku marka uu joogo meel
Aqooneed waa inuu ka duwanaadaa kuwa jooga meelaha kale waayo aqoontu waa
Hormoodka nolosha umadaha.
Wuxuu ka dhignaa diyaaradii Hargaysa ka kacday ee hadana duqaysay, waayo wuxuu sheegay ceebihii wasaarada uu joogo oo dhan isagoo aan is ogayn inuu isagu is burinayo wadankana ceebaynayo, tusaale ahaan wuxuu aad ugu cel celiyay Ardaydu haday ka badato 45 Waa laga qaadayaa ruqsada
Iskuulkaas, waa hadal ku tusaya In 30 sano ardayda iskuulada wax Kabartaa ay boqolaal ufadhiyeen
Oo dusha iska saar naayeen, Waxaanu meesha soo dhigan inay Ahayd fashil dawladeed oo sodon Jir ah, wasaarada ma maantaa la Sameeyey? Waa ceeb qaran !
Waxaa hadalka wasiirka si ay ka muuqato Masuuliyad uga jawaabay Barkhad J Batuun wax kalena ma Odhan wuxuu qodob Raacay wixii Uu wasiirku ku Hadlay , wuxuu iftiimiyay inay ahayd masuuliyad La gabay beri hore oo guun ah Toornana ka mid yahay kuwa Gabay waayo markuu wasiirka Noqday ma baadhin dhibka Ardaydu qabto,
Mana ogayn malaa markii hore ceebtaas 30 jirka ah kuwii ka horeeyayna sidaas ayay ahayeen
Haduun buu kusoo baraarugay.
Barkhad taas been kuma sheegin Ilaahay Iyo umaduba way ogtahay waxa Ka jira iskuulada wadanaka iyo dayaca haysta,
Iyo shuraakada wasaarada iyo Iskuulada gaarka loo leeyahay.
Intaas ka dib waxaa warbaahinta
La hadlay ninka Kulmiye usoo Gaatay jawaabaha wixii sheega
Khaladka Kulmiye iyo dawladiisa.
Mr Buuni, maba xuma in uu Jawaabo 0o waa waxa loo keenay meesha.
Balse wuu dhex fadhiistay sidii Caadada u ahayd reer Kulmiye.
Wuxuu rays derderay wixii Barkhad ka hadlay, isagoo isna Uhadlay sidii Wasiirkii uu islahaha Difaac wuxuuna lasoo fadhiistay Hanjabaad iyo hadalo ka baxsan
Milgaha lagu yaqaan Masuuliyada, waxaan leeyahay Kulmiye cid aad u hanjabi kartaan
Ma jirto, cid sidaas idinkaga baqayna majirto marka laga Reebo malaa kuwa aad ku bahdisheen Hadanad jawaabin shaqadaa la gaa eryayaa iyo waa lagu Baadhayaa, oo tuug baad ahayd!!!

Qalinkii
Iman M Ciise