Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Hoggaan Cusub oo loo doortay Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA

Hargeysa (SalaanMedia)- Waxaa maanta magaalada hargeisa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu dooranayey hogaanka cusub ee ururka qareenada somaliland, iyo sidoo kale wax kabedela xeer hoosaadka ururka solla ee qareenada somaliland oo si adag looga dooday.

Doorashada Hogaanka cusub ee Ururka Qareenada Somaliland oo soo martay marxalad iyo loolan u dhexeeyey xubno farabadan oo u sharaxnaa Hogaanka ayaa maanta cod aqlabiyad ah la isugu raacay inay ururka hogaamiyaan saddexda sano ee soo socoda Gudoomiyaha cusub ee la doortay Garyaqaan Xassan C/laahi Cawaale, Halka gudoomiye ku xigeenka ururkana loo doortay Garyaqaan Mukhtaar Daahir Jibriil.