Kulmiye wixiisu waa ku qabso ku qadi may side

Kulmiye wixiisu waa ku qabso ku qadi may side

Waxaa beryahan ka socday Somaliland kala xulashada iyo kala xod xodashada cida lagu tuhmo inay reerkooda cod ka heli karaan, waxayna si xawli ah arintaasi usii xoojisay kala qaybsanaanta reeraha dhexdooda iyo cida ay xulanayaan, taasoo ay kala kulmayaan faragilin qaawan cid ka baxsan reerka dhexdiisa, tusaale ahaan waxaa hada aad usoo badanaya Dhibka uu Kulmiye ku hayo reeraha isagoo hore ulumiyay kalsoonida shacabka oo malaa mooday inaan doorasho danbe loo baahnayn dalkuna yahay (Myanmar) ama Barma hadba sida loo yaqaan, wuxuuna kusoo baraarugay iyadoo dadkii ugu tug tug roonaa cida tartamaysa ay ka dabshiteen xisbiyada kale, taasina waxay keentay inuu ku waasho reeraha,
Isagoo adeeg sanaya horgalo uu ku dhibayo xilyar iyo mushahar ama guno ay ka qaataan dakhliga wadanka ee aan cidna laga lahayn.
Kuwaasoo laftooduna uhaysta inuu irsiqood go’ay hadaanay yeelin ihaanada iyo dulaysiga uu ku hayo xisbiga gabal kiisu dumay ee Kulmiye, wuxuu bilaabay wax aan weli hore loogu arag xisbi talada haya oo ah inuu dareeriyo shaqaalaha uu is leeyahay wax bay ka heli karaan ku dhex dhaca reeraha iskala tabaalaysan toodii.
Waana sababta keentay inaynu aragno qaar leh waan iscasilayaa oo waxaan rabaa inaan u tartartamo baarlamaan ama gole deegaan, waana wax lagu dhaliyay oo lagu riixay ee maaha wax kasoo go’ay oo ay kala tashadeen reerahooda., waayo Boos buuxsiba hayska ahaadaane hada reer bay kasoo jeedeen, oo ku magacaab Naayeen (duqduna geela waa ku toban )oo waa la tiriyaa.
Waxaana hada caado u nooqotayKulmiye in ay awooda u adeegsadaan si qaldan oo ka Baxsan hanaanka loogu talo galay in dawladuhu ugu adeegaan umadooda,taasoo ah
Inay hagardaamo kula dhex jiraan
Dadka iyo reeraha.
Waxaa kale oo Kulmiye hada isu bedelay (kobciye) markaan sidaas leeyahay waxaan uga jeedaa wuxuu kobciyay qabyaalada,musuq maasuqa,qaraaba kiilka,kala qaybinta,iyo iska horkeenka dadka degan Somaliland.
Sidoo kale waa markii ugu horeesay oo Somaliland cid loogu xidho xiliga doorashada maxaad xisbi hebel u tagtay iyadoo oo uu uga jeedo reer hebel baad tahay oo xisbi hebel reer hebel baa leh,
Mana tegi kartid,taasoo ah sababta aan usoo xusay magaca (Kobciye)

Lasco qoraalo taxane ah oo ku saabsan hagar daamada Kobciye qabyaaladeed loo na garan ogyahay (Kulmiye )

Iman M Ciise