Q/Midoobay oo War cusub ka soo saartay shirkii Xalane, qorshe cusubna soo jeedisay

Qaramada Midoobay ayaa War kasoo saartay shirkii hordhaca ahaa ee maanta ka dhacay teendhada Afisiyooni, kaasoo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal caawa ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia ayaa lagu sheegay in shirka loo badeli doono wada-tashiyo aan rasmi aheyn oo sii socon doona maalmaha soo aadan.

“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa  Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo  qayb ahaan ay goob joog ahaayeen  Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka; waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo  kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay QM.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa diiday inay ka qeyb galaan shir maanta magaalada Muqdisho uga furmay madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmmed Maxamed Islaam ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay u tageen kulanka wadatashiga qaran ee looga hadli doono arrimaha doorashada.

Beesha Caalamka oo ay ugu horreyso dowladda Mareykanka ayaa dhinacyada cadaadis ku saareysa in ay is hor fariistaan, heshiisna ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya ee ku saabsan hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.