Ururka Mareegaha Wararka Somaliland oo ka hadlay warar Been-abuur ah oo laga baahiyey

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Online-ka Somaliland ee magaciisu yahay Somaliland Online Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA), Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa si adag uga jawaab-celiyay aflagaado iyo gef ay kula kaceen Ururka SOMA shakhsiyaad ka tirsan warbaahinta Online-ka.

Sidaa waxa uu guddoomyaha Ururka Mareegaha Online-ka Somaliland ee SOMA Mustafe-janaale uu ku sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo maanta uu soo saaray waxaanu u dhignaa sidan:

“Somaliland_Online_Media_Association (SOMA), waa urur waddani ah oo ay ku bahoobeen Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland,taas oo fadhigeedu yahay Caasimada Somaliland ee Hargeisa,isaga oo wada shaqeyn la leh hay’ada Caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah-ba.

Ururka SOMA maaha Urur Saxaafadeed oo cid gaara u xidhan, ee Waa Urur u furan inay ka mid noqdaan dhammaan Warbaahinta Online-ka ah ee ka hawlgala Somaliland. ciddii danaynaysa ka mid noqoshadeeda.

Aragtida aasaasida Dallada Mareegaha Somaliland ee SOMA waxay ka soo maaxatay qaar ka mid ah suxufiyiinta Mareegaha Online-ka wax ku qora,kadib markii ay garwaaqsadeen in iskaashigu ka fiican yahay keli-kelimada: “Iskaashigu Waxa u ka awood baddan yahay Keli-kelida” isla markaana loo baahan yahay inay noqoto codkii suxufiyiinta Mareegaha Online-ka ee ka turjumaysay danahooda.

Ururka Mareegaha Online-ka ah ee SOMA waxa uu u taagan yahay horumarinta iyo kor-u-qaadista xuquuqda Suxufiyiinta Online-ka Casriga ah.

Ururka #SOMA waa golle kulmiya Suxufiyiinta, iskuna waydaarsadaan Wararka, Aqoonta Xirfadaha iyo Tignoolajiyada sidoo kale waxay SOMA u taagan yahay inay ka qeybqaadato sameynta Siyaasadaha iyo Xeerarka Warbaahineed ee ay hormuudka ka tahay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.

Ururka SOMA waxa uu si sharciya ula shaqeynaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland,iyada oo fulinaysa Shuruucda iyo Siyaasadaha u yaala Warbaahinta dalka Somaliland.

Ururka #SOMA waxay u mahad-celinaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ee uu hormuudka u yahay Wasiirka Saleebaan Cali Koore sidii fiicnayd ee ay noogu soo marti-qaadeen Kulamadii lagu falan-qeynayay Qabyo qoraalkii Siyaasadda Warbaahinta Qaranka Somaliland 2021-ka iyo sidii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen talooyinkii iyo soo jeedimahayagii.

Sidoo kale,waxay #SOMA u mahad-celinaysaa guddida doorashooyinka Somaliland sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen  Mareegaha xubnaha ka ah Ururka Online-ka Somaliland ee SOMA.

Waxay SOMA u mahad-naqaysa Mareegihii sida fiican bulshada ugu tebiyay fariimihii wacyigelineed ee guddida doorashooyinku bulshada u gudbinaysay.

Waxa wax laga xumaado ah in dad suxufiyiin sheeganaya inay aflagaado iyo cambaareyn u geystaan Ururka Online-ka Mareegaha Somaliland ee SOMA, iyaga oo ku tilmaamay koox si tuuga ah ugu maxaabsanaysa magaca Mareegaha Online-ka Somaliland.Taas oo ah cadho ka kacday hunguri, kadib markii ay ku guul-dareysteen inay xubin ka noqdaan Ururka Mareegaha Somaliland ee SOMA, isla markaana buuxin-waayeen Shuruudihii ka mid noqoshada Ururka SOMA.

Sidaa daradeed, Ururka Mareegaha Online-ka ee SOMA waxay u aragtaa inay tahay cadho hunguri ka kacday, waxaanad ka dhigan tihiin ‘Nin Hunguri kaa qaaday waa nin Seefi kaa qaaday.Waxaanan leenahay ILAAHAYOOW in beer ku filnaado ha naga dhigin.”