Waalidiinta Dugsiga Sare ee Nuuradiin oo cambaareeyey Falkii waxyeellada loogu geystay Hantida Dugsiga

Hargeysa (SM)- Qaar kamida Waalidiinta Ardayda dhigata Dugsiga Nuuradiin qaybta Wiilasha ee Hargeysa ayaa cambaareeyey khasaare loogu geystay rabshad lama filaan ah oo ay ku kaceen qaar kamida Ardayda Dugsigaasi wax ka dhiganaysay oo burbur laxaadle u geystay agabkii waxbarasho iyo gaadiid halkaasi yaallay.

Waalidiinta, ayaa ku baaqay in ay Wasaaradda Waxbarashadu deg deg uga qayb-qaadato sidii xaallada dugsiga caadigeedii loogu soo celin lahaa, isla markaana waxyeellada gaadhay looga gacan siin lahaa.

Sidoo kale, waxa ay waalidku farriin u direen Ardayda Dugsigaasi dhigata oo ay ku waaniyeen in aanay ku kicin fowdo iyo qas kale, iskana dhibaateynin goobta waxbarasho ee ay wax ka bartaan.

Waalid oo isugu jiray madaxdhaqameed, Culimo caan ah, masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay Dawladda iyo dad kale oo haldoor ah, ayaa sidoo kale ku taliyey inay hay’addaha nabad-gelyadu ka hortagaan wax kasta oo sabab u noqon kara in la sii wad wado rabshadihii shalay dugsiga hadheeyey.