Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Lagu Soo Kordhiyay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Hargeysa (SM)- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimadka Somliland ayaa xadhiga ka jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyay Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Wasiirka oo ay weheliyaan wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Diinta iyo Awqaafta, wasiir ku xigeenada Caafimaadka, Arimaha gudaha, Maaliyada, agaasimaha guud ee Caafimaadka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray qaybaha uu ka koobanyahay Cisbitaalku, waxa ay xadhiga ka jareen Mishiinada Ogsajiinta dhaliya, qaybta dhimirka iyo waadhka umulaha ee cisbitaalkaas.