Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xildhibaan Aadan Xaaji Axmed waxa uu ku xidhan yahay Sifo Sharci-darro Ah

Aadan Xaaji Axmed Oo ah Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Degaanka degmada Garadag Ahna Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ee Wadani, ayaa tiraba 6 jeer lagu xidhay xadhig xaqdaro ah.

 

Xildhibaanka Ayaa Mudooyinkii Udanbeeyay Arimo Siyaasadeed Oo Ay Dabada Ka Riixayaan Rag Ay Isku Degaan Yihiin Ugu Xidhan Xabsiga Magaalada Cerigaabo Iyagoo Arrimaha U Xildhibaanku U xidhan Yahay Ay Shaadh Dhaqan Loo Geliyey Balse Markii Danbe Ay Cadaatay In Arrimaha uu uxidhan Yahay Ay Arrimo Siyaasiya Yihiin.

 

 

Sidoo kale, maxkamada Gobolka oo loo balansanaa in Shalay Oo Sabti Ah La Hor keeno ayaan gebi ahaanba La Hor keenin Lamana Garanayo Sababta Loo Hor Keeni Waayey Marka Laga Reebo Arrimo Ay Ka Wada Socdaan Maamulka Maxkamada Gobolka Iyo Xubno Sheegtay Inay Yihiin Odayaasha Dhaqanka Xildhibaanka, kuwaas oo Ka Amar Qaadanaya Gacmo Shisheeye.

Iskusoo Wada Duubo Xildhibaan aadan Xaaji Axmed Ayaa Sifo Sharci Darro ah Ugu xidhan Xabsiga Magaalada Cerigaabo ..