Daawo Beesha Hawiye oo Shirweyne Saacado Qaatay kaga Arrinsaday Waxa ay ka yeelayaan Muddo-kordhinta Farmaajo

Muqdisho (SalaanMedia)- Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya waxa maanta ka furmay shirweyne ay isugu yimaaddeen Odayaasha Dhaqanka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada, Haweenka iyo Dhaqalinyarada Beesha Hawiye, waxaana shirka lagaga soo horjeestay muddo-kordhinta loo sameeyey Madaxweyne Maxamed Cadbilaahi Farmaajo.

Shirweynaha oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen labada maamul-goboleed ee Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa lagaga arrinsaday aayaha dalka Soomaaliya oo xilligan maraya xaalad adag kaddib markii muddo-kordhin laba sanno ah loogu daray madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday xilli loo diyaar-garoobayey doorashooyin ka qabsooma dalkaas.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo oo ka daawo shirweynaha Beelaha Haweiye oo dhammaystiran