DAAWO: Musharax Maxamed Cabdilaahi Jawaan Oo Shaaciyay In Uu Ka Tanaasulay Hankiisii Musharaxnimo + Sababta Iyo Cidda Uu Utanaasulay

Hargeysa (SM)- Musharax Maxamed Cabdilaahi Jawaan Oo Kamid ahaa musharixiinta  golaha deegaanka ee caasimada hargaysa uga sharaxan xisbiga ucid ayaa shaaciyay in uu ka tanaasulay Hankiisii masharaxnimo kadib markii ay odayaasha beesha Yaasif ku qanciyeen in uu utasaanul isku duubnimada beesha islamarkaana uu dhiso musharixiinta isku sidkan ee ka sharaxan xisbiga wadani golaha wakiilada iyo deegaanka ee kala ah Farxaan Iimaan oo usharaxan golaha wakiilada iyo Cabdilaahi Maxamed Gaaxnuug “Aar” oo usharaxan golaha deegaanka Caasimada hargaysa.

Musharax maxamed cabdilaahi jawaan ayaa tanaasulkiisa kaga dhawaaqay xili ay musharaxiinta uu utasaanulay ee ay isku beesha yihiin ka wada shaqaynayeen kaadh Qaadasha codbixinta oo ay socdaal ku marayeen deegaanada xuduudka itoobiya teedsan ee ay degan tahay beesha ay kasoo wada jeedaan.

Dhanka kale Kamid ah Odayaasha Beesha Yaasuf Ayaa ka Hadlay go,aanka uu ku tanaasulay Musharax Maxamed Cabdilaahi Jawaan oo u Tanaasulay musharax Cabdilaahi Maxamed Gaaxnuug “Aar” oo ka sharaxan xisbiga wadani golaha deegaanka hargaysa.Kaasi oo uu ku tilmaamay go,aan beesha yaasuf dan u ah isku duubnimoodada

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Ex Musharax Maxamed Cabdilaahi Jawaan oo ka hadlay sobobaha uu utanaasulay iyo fariinta uu udiray Beesha Iyo bulshada reer somaliland;