Maareeyaha Cusub Ee Hay’adda Duulista Iyo Madaarrada Somaliland Oo Xilka La Wareegay (Qoraal+Sawirro)

“Qofka Iigu Dhowi Wuxuu Noqon Doonaa Qofka Ugu Shaqada Wanaagsan” – Maareeye Cumar-Sayid

Hargeysa (SM)- Maareeyaha Cusub Ee Hay’adda Duulista  Iyo  Madaarrada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), Ayaa Xilkii Kala Wareegay Maareeyihii Hore Ee Hay’addaasi Cabdi Maxamed Rodol Oo Uu Dhawaan Xilka Ka Qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibada Xil-Wareejinta Oo Ka Qabsoontay Xarunta Guud Ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Ee Magaalada Hargeysa, Ayaa Waxa Ka Qaybgalay Masuuliyiin Ka Socday Laama Xukuumadda Oo Ay Kamid Yihiin, Guddoomiyaha Guddida Maamul-Wanaaga Iyo La-Dagaalanka Musuqmaasuqa, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta, Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Madaxda Iyo Shaqaalaha Hay’adda Duulimaadyada, Wakiillo Ka Socday Shirkaddaha Diyaaradaha Iyo Marti-Sharaf Kale.

Maareeyaha Hore Ee Xilka Wareejiyey Cabdi Maxamed Rodol Oo Ugu Horayn Xafladdaasi Hadal Ka Jeediyey, Ayaa  Ka Waramay Waxyaabihii Ugu Muhiimsanaa Ee U Qabsoomay Intii Uu Xilka Hayey, Waxaanu Sheegay Inay Dib-Hagaajin Iyo Casriyeyn Uu Ku Sameeyey Dhabaha Diyaaraduhu Ka Duullaan,gaar ahaan Calaamadaha Runway-ga oo Sameeyey Dhamaan Caalamadaha Lagama Maarmaanka Ah Ee Diyaaraadaha adeegsadaan.

Maareeye Hore Rodol Waxa Kale Oo Uu Tilmaamay Inay Hay’addu Howlgalisay Dad Muwaadiniin Ah Oo Aqoon U Leh Howlaha Duulimaadyada, Adeegyada Kala Duwan Ee Madaarku Bixiyana Lagu Wareejiyey Muwaadiniin “TaxiWay Dheeraad Ah Ayaanu Samaynay, Calaamadihii Dhabooyinka Ee Gelista Iyo Bixida Waanu Samaynay. Meeshan ICAO Gacanta Ku Haysay, Hadday Tahay Hagida Diyaaradaha Iyo Adeegyada Kale Ee Madaarka  Dad Reer Somaliland Ah Oo Muwaadiniin Ah Ayaa Gacanta Ku Haya”Ayuu Yidhi Isagoo Intaasi Raaciyey “Micnaheedu Maaha Dad Ajanib Ah Waan Ka Maraanay, Laakiinse Waxa Weeye Waxaad U Timi Meel Ay Qayb Walba Ka Shaqaynayaan Dad Reer Somaliland”.

Maareeyaha Cusub Ee Xilka La Wareegay Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid), Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay, Ayaa Sheegay In Uu Karti, Aqoon Iyo Waayo-Aragnimo Wixii Uu Leeyahayba Gelin Doono Horumarinta Hay’adda Duulimaadyada Iyo Maamulka Madaarada, Kaashanna Doono Shaqaalaha Kala Duwan Ee Halkaasi Ka Howl-Gala.”Aad Iyo Aadbaan Ugu Faraxsanahay In Aan La Wareego Xilka Hay’adda Duulista  Iyo Madaarada Oo Aan Muddo Dheer Ka Soo Shaqaynayey. Waxaan Aad Iyo Aad Ugu Mahad-Celinayaa Madaxweynaha JSL Oo Xilalka Qaranka Laf-Dhabartoodii U Dhiibay Dhalinyarada”Ayuu Yidhi Maareeye Cumar Sayid.

Maareeyuhu Isagoo Hadalka Sii Wada Waxa Uu Balan Qaaday “Anigoo Adeegsanaya Khubarada, Agaasimeyaasha Iyo Shaqaalaha Hay’addan Waxaan Rajjeynayaa In Aanu Sanadaha Soo Socda Jeexno Wado Horumar Ah Oo Uu Qarankani U Aayo Oo Ah Higsiga Ay Higsanayaan Madaarradu”Ayuu Raaciyey.

Maareeyaha Waxa Kale Oo Uu Intaasi Ku Daray “Somaliland Waxa Ay Ku Taalla Meel Istaraatiiji Ah. Mandaqadaas Istaraatiijiga Ah Waxay Koobsanaysaa In Aan Tartan Kula Jirno Madaarrada Kale Ee Gobolka, Tartankaana Waxa Lagu Gelayaa Oo Lagu Tartamayaa Adeeg-Wanaaga, Hufnaanta Iyo Soo Dhaweyn, Markaa Waxaan Rajjeynaynaa Annagoo Iskaashanayna Dawlad Iyo Shacab In Aan Horumar Gaadhno”.

Maareeyuhu Waxa Kale Oo Uu Shaqaalaha Hay’addaasi U Balanqaaday Inuu Kula Dhaqmi Doono Nidaam Wanaagsan Oo Cadaalad Ah, Isagoo Tilmaamay “Shaqaalaha Waxaan Leeyahay, Waxa Innaga Dhaxaynayaa Waa Shaqo Wanaag… “Qofka Iigu Dhowi Wuxuu Noqon Doonaa Qofka Ugu Shaqada Wanaagsan”

 

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Mukhtaar Maxamed Cali, Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-Wanaaga Iyo La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Dayib Xaaji Cali, Agaasimaha Guud Ee Hay’addaha Shaqaalaha Iyo Cabdiqafaar Oo Ku Hadlayey Afka Shirkaddaha Diyaaradaha Oo Xafladaasi Iyaguna Hadallo Ka Jeediyey, Ayaa Soo Dhaweeyey Maareeyaha Cusub, Waxaanay Booriyeen In Uu Dardar Geliyo Shaqada Ay Hay’addaasi Qaranka U Hayso, Iyagoo Dhinaca Kale Maareeyihii Hore Ku Bogaadiyey Waxqabadkiisa Muddadii Uu Xilka Hayey.

Masuuliyiintan, Ayaa Maareeyaha Cusub Kula Dardaarmay Inuu Wax Ka Qabto Gol-Daloolooyinka Shaqada Hay’addaasi, Hadday Tahay Dhinaca Adeegyada Madaarrada Iyo Hadday Tahay Kor U Qaadista Muuqaalka Hay’adda Duulimaadyada Ee Heer Qaran, Isagoo Adeegsanaya Khibrada Uu Ka Kasbaday Wakhtigii Dheeraa Ee Madaxda Ka Ahaa.

Maareeye Cumar Cabdilaahi Aadan Oo Hadda Ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Ayaa Hore U Soo Noqday Maamulaha Madaarka Hargeysa, Isagoo Markii Dambena Agaasime Guud Ka Noqday Wasaaradda Duulista Hawada Xilligii Xukuumadda Axmed Siilaanyo.