Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Murashaxa Mudanta Hargeysa: Haweenka caasimadda oo muujiyey Taageerada ay u hayaan Maayar Soltelco

Hargeysa (SM)- Haween-weynaha Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta muujiyey cududda taageero ee ay u hayaan Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo xilligan ka mid ah murashaxiinta u tartamaysa Doorashada Golaha deegaanka ee Caasimadda.

Haweenka reer Hargeysa oo munaasibad ay duqa caasimadda taageero ugu muujinayaan ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay ballan-qaadeen inay codkooda la barbar istaagi doonaan isla markaana soo saari doonaan Maayar Soltelco si mar loogu doorto guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Hargeysa.