Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Qiimayta Somaliland iyo Somalia ee Caalamka oo ku xidhan Doorashooyinka 31 May 2021

Hargeysa (SM)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada iyo Kalluumaysiga Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed oo Xalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Musharraxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Xisbiga Kulmiye uga sharraxan Gobollada bariga dalka, ayaa sheegay in Soomaaliya oo uu Somaliland si tartan uga dhexeeyaa ay hadda dhex dabaalanayaan khilaaf siyaasadeed oo culus, sidasi darteed Adduunku qiimayn doono Doorashada Somaliland ee soo socota.