Xisbiga KULMIYE Casho-sharaf ku maamuusay Murrashaxiinta saddexda Gobol ee Galbeedka Somaliland

Hargeysa (SM)- Xisbul-xaakimka talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa caawa casho-sharaf ku maamuusay murrashaxiinta golaha wakiillada uga sharraxan gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Awdal oo ay wehelinayaan murrashaxiinta xisbiga ku metelaysa goleyaasha deegaanka ee degmooyinka derejada koowaad (A-da) ee Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Boorama.

Munaasibaddan oo lagu qabtay Huteel Garaanhaddi ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay qaar kamid ah saraakiisha xisbiga ugu sarraysa oo uu hoggaaminayo guddoomiye-kuxigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, madax katirsan hay’adaha kala duwan ee qaranka, garabka haweenka ee xisbiga, xubnaha murrashaxiinta ee gobollada iyo degmooyinka la casuumay iyo martisharaf kale oo tiro badani, waxana laga jeediyey hadallo lagula soo dhaweynayey murrashaxiinta cusub ee xisbiga meteli doonta, dardaaran iyo wax sheegna lagu siinayey.

Munaasibadda oo ujeeddadeedu ahayd soo dhaweyn, dhiirrigelin, baarigid iyo taageero guud oo xisbiga iyo hoggaankiisu u muujinayeen murrashaxiintan, ayey sidoo kale ku lammaanayd shahaadooyin muujinayey sharcinimada murrashaxiintan iyo saxeexidda heshiis uu xisbigu la geliyo xubnahan murrashaxiinta ah ee u tartamaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo degmooyinka, iyada oo isla goobtaasna lagu guddoonsiiyey  buugga hagaha murrashaxiinta ee ay shuruucda iyo qawaaniinta xisbigu ku qoran yihiin.

Xubno kamid ah haldoorka xisbiga oo ay kamid yihiin, guddoomiyeyaasha gobollada Saaxil, Mudane Sacad Cilmi Guuleed, Maroodijeex, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hadhiye, iyo Awdal, Mudane Cabdiqaadir Daahir Axmed oo ugu horrayn halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida uu xisigu muhiimadda u siinayo murrashixiintiisa, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay murrashaxiinta looga baahan yahay iskaashi, wada-shaqayn iyo isku duubni, si ay uga lib keenaan hawsha hor taalla.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed, ayaa isaguna dhankiisa ka warramay taariikhda fog ee xisbiga KULMIYE iyo sida uu astaanta ugu yahay guusha, isku duubnida, waxana uu xubnaha murrashaxiinta ah ku adkeeyey inay ilaaliyaan xisbinimada, kuna dedaalaan sidii ay u guulaysan lahaayeen.

Wasiirrada wasaaradaha  Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, ahna guddoomiye-kuxigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saaji, Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo halkaas hadal dhinacyo kala duwan taabanaya ka jeediyey, ayaa murrashaxiinta ku adkeeyey inay u diyaargaroobaan dedaal dheerna u galaan sidii ay tartanka kusoo aaddan uga keeni lahaayeen guul, ilaaliyaanna sumcadda iyo karaamada xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo madasha soo gunaanaday, ayaa kula dardaarmay murrashaxiinta magaca xisbiga huwan inay tartanka iyo ololaha u galaan hannaan milge iyo sharafi ka muuqato, islamarkaana ku dedaalaan inay gaadhaan yoolkooda fog ee ah inay kuraasida ay raadinayaan ku guulaystaan.

Ugu dambayntii, waxa halkaas shahaadooyin muujinaya sharcinimada murraxnimada lagu guddoonsiiyey dhammaanba xubnaha tartamayaasha ah ee munaasibadda ku sugnaa, waxana goobtaas lagaga saxeexay heshiis gaar ah oo ay xisbiga KULMIYE si shaqsi shaqsi ah ula galeen.