“Xisbiga Kulmiye wuu ku Faanaa Berbera iyo Gabiley, waayo…” Guddoomiye Xinnif

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Xinnif oo ka mid ah kaadiriinta Xisbiga Kulmiye, ayaa xalay khudbad ka jeediyey munaasibad loo qabtay murashaxiinta Xisbiga uga tartamaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Saddexda Gobol ee Galbeedka Dalka.

Munaasibadda oo xalay ku qabsoontay Hotel Grand Haddi ee magaalada Hargeysa, waxa uu guddoomiye Xinnif ka jeediyey khudbad u badnayd guulaha iyo wax-qabadyada ay dalka ku soo kordhiyeen xukuumaddii hore iyo xukuumadda xilligan ee Xisbiga Kulmiye.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiye Xinnif