Xukuumadda Somaliland oo Haamo OXYGEN ah ku caawisay Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia

Hargeysa (SM)- Dowladda Somaliland, ayaa maanta Haamaha lagu keydiyo Hawada (Oxygen) ku caawisay Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Dr Maxamed Xergeeye oo maanta ka warbixiyey heerka uu dalka ka marayo xannuunka Covid-19 iyo tallaabooyinka ay xukuumad ahaan qaadeen, waxa uu sheegay in marka laga yimaaddo wax-qabadka gudaha ee dalka oo ay dedaallo badan ka galeen, ay sidoo kale Haamaha lagu rakibo dadka Neeftu ku joogsato ku caawiyeen Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia oo xannuunku si xawli ah ugu faafay.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose