Ceerigaabo: Komishanka Doorashooyinka oo kala Diray Hawl-wadeennada Wacyi-gelinta Doorashada ee Gobolka Sanaag

Ceerigaabo (SM)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa maanta magaalada Ceerigaabo ka kala diray gaadiid iyo hawl-daweeno gobolka Sanaaag ka fulin doona wacyigelin ku saabsan doorashooyinka Isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 31-ka bishan May.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee komishanka doorashooyinka Sharmaake Cabdilaahi Jaamac oo warbaahinta kula hadlay xarunta Guddiga ee gobolkka, waxa uu sheegay in xubnahaasi ay degaanada hoos yimaada gobolka Sanaag ka fulin doonaan wacyigelin la xidhiidha ka qayb qaadashada doorashooyinka iyo anshaxa looga baahan yahay qof codbixiyaha xilliga cod-bixinta.

Komishneer Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in komishanku ku jiro diyaar-garawgii ugu dambeeyay ee hawlaha qabsoomidda doorashooyinka oo wixii ka dambeeya maalinta berri oo ololaha la soo gebo-gabaynayo ay kaliya ku xigi doonto qabashada doorashada, waxaanu ku baaqay in in komishanka gacan laga siiyo sidii doorashooyinkaasi ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah.

Commissioner Cabdiraxmaan Dixood waxa uu hawl-wadeennada u baxay wacyigelinta kula dardaarmay in ay ku dedaalaan sidii ay bulshada u fahansiin lahaayeen qiimaha ay doorashooyinka horumarka dalka u leeyihiin, isla markaana ay bulshada ku nool degaanada kala duwan ee gobolka Sannaag ku sugan ay gaadhsiiyaan fariimaha komishanka doorashooyinka qaranka ee ku saabsan ka qayb-qaadashada doorashada.

Maalinta Jimcaha ah ee Berri oo Xisbiga Waddani u leeyahay kaltanka Ololaha, ayaa noqonaysa maalintii u dambaysay Lix maalmood oo Guddiga Doorashooyinku u asteeyeen Ololaha Doorashada ee Xisbiyada iyo murashaxiintooda, waxaana sida la qorsheeyey la filayaa in guud ahaan dalka oo dhan codbixinta doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada looga dareero maalinta Isniinta ee Toddobaadka soo socda oo ku beegan 31-ka bisha May 2021.