Daarasalaam: Murashax Doorashada ka hor la caleemo-saaray

Hargeysa (Dhamays)- Murashax Eng Siciid Maxamed Cismaan Diiriye oo ka mid ah murashixiinta Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodijeex uga sharraxan Doorashada Golaha Wakiillada, ayaa Arbacadii lagu soo dhaweeyey deegaamo ka tirsan degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodijeex.

Murashax oo calaamaddiisa codeyntu tahay DACAWO, waxa deegaanka Daarasalaam ku qaabilay taageeraal tiro badan, waxaanu murashaxu khudbad uu u jeediyey taageerayaashiisa kaddib uu halkaas ugu Qalay laba neef oo Geel ah.

Muuqaalka Hoose ka Daawo qaabkii ay u dhacday soo-dhawaynta Murashaxa iyo Qado-sharaf ballaadhan oo uu u sameeyey taageerayaashiisa