Hal Bahal Cunaaya Iska Goo Mooyee Ku Farax Ma Laha (Abdi-Shotaly).

Hal Bahal Cunaaya Iska Goo Mooyee Ku Farax Ma Laha (Abdi-Shotaly).

Taariikh-ddii aan soo jirey ama aan daHalb ka baydhay, waa markii ugu horeysay ee aan arko wax maskax-dda bani’aadamka ka weyn, oo sinaba u suuro-gal marnaba aan ahayn, laakiin ay ku kacayaan qaar ka mid ah ummadda reer somaliland, oo durbaan been ah  uu u garaacaayo waraabaha hashoodii ku hor raqayaa, kuwaas oo ah qaar miyir qab iyo waali mid ay yihiin, aanu qodkii caadi ahi waxan soo socdda muu sameeyeen.Akhristaw waxan qaadan kari la’ahay, i geli wayday, oo aan la yaaba-nahay, wax la liqi kari ka weyn, ummadan falan, waa dadka daawanaaya ee ku faraxsan kuna dul ciyaaraaya raq-ddii hashii ay maali lahaayeen ama loo lisi lahaa, oo ay habar-dugaag ku dikadeen, iyana ay hor tuban yihiin, weli-ba calaa-haakadda ay sacabka u sii garaacayaan, halkii ay ka dhiidhiyi lahaayeen oo ka goyn lahaayeen ”  Bahalka cunaya Hashoodda” Maxaynu muwaadin ku sbeegi karnaa?  Bal ummad yahay ma idinkaa wax is yeelaaya mise wax baad sidaas ku tasansa-naysaan? Ilayn sidan kuma bed-qabtaan.

Hadaan dib ugu soo noqdo micnaha uu qeexaayo cinwaanka sare ku yaalaa akhristaw. Waxay tahay ujeedadu aan u dan leeyahay, taariikh-dan 30 guuraddda ah ee la leeyahay waa loo dabaal-degayaa, malaha waxa ka haboonaa inaka oo ka ridna bahalka cunaaya Somaliland, oo yuur-yuur ku nidhaana, calaa-aqla oohin dariiq-yadda la fadhiisana, halka aad geeridiinaii kaga farxaysaan. Sababata aanu leeyahay sidaasi waxay tahay horta ma jirtaa wakhtigan haba-yaraatee wax la yidhaaho ” Somaliland” Goormaa-se ugu dambaysay? Magaca uu caaqilka askariga sheegtay uu afarta boqnood-ba jaray, ka ban-jariyey taayiraddii ay ku dhaqaaqaysay, ee uu ka dhigtay Meherad ay ku xoogsa-daan qoys-kiisa iyo inta tuugta ah ee la boobtaa hantidda ummadda. kuwaas oo uu ka soo xushay beel walba intii ugu bahal-sanayd. jawaabtu waxa weeye iyadda oo koobvan, Rabbi caafimaad ha siiyo’e, markii uu xanuun-saday Madax-weyne Ahmed Siilaanyo, baa magaca durbaanka loo garaacaayo ugu dambaysay, mana jirto hadda, sidaas awgeed, ma is weydiiseen waxa aad u sacab tumaysaan waxa ay yihiin? Wadan nin waalan gacanta ugu jiraa sidee buu jiri karaa, oo ay dadkii lahaana ku daawanayaan, Bal in ay wax weyni u dhiman yihiin maxaa dhex geliyey, colaadda ka dhex oogan Kiiniya iyo Al-shabaabland? Maxaase uga shan iyo toban ah, waxa ay  Farmaajo iyo Ina Geelle basalka jabuuti isku haystaan> saw maaha maskax la’aan iyo qof la isticmaalaayo. ka sunta uu ka soo qaataa waa kaa uu kolab dhawrka fijaan ee muqmadda ah uu u sii qaado, ka aad rajo ka sugaysaan, waa ka baabi’iina ka talinaaya, ee kii ugu necbaa Somaliland ( Ka jabuuti) Isu dhiibay Ee maxaa xusaysaan ee aad haysaan aan geeridii somaliland ahayn?.

Waxa la yidhi ” Is-moog udbihii bay aslaysaaye” Xusaka la leeyahay waxa loo samaynayaa sodon guuradii ka soo wareegtay maalintii lala soo noqday xoriyaddii luntay 26/june/1960ggii waa mid xagee joogta? Waxan qabaa runtiina ah, in ay tahay baroor-diiq lagu dedaayo geeriddii Somaliland, oo uu xabaasha si wacan u dhagay askariga ku xoogsadaa ee ” Raggii ma adigaa ka hadhay ” Iyo koox-diisa maafiyadda ahi. inta ay iilka ku hubsadeen, baa weli lagugu malayaa dawlad baa jirta. Sawtan uu ina xukumo kan keliggii taliyaha ahi, ee ku amar ku taagleeya xaafadda aynu jaraka nahay ee Jabuuti, waa ka u seediga ah ee la yidhaaho ” Ina Geelle basale”  Halkii aad uga ducayn lahaydeen baad idinkii hashiinii la idinku hor dilay aad ku sii farxaysaan, hadda waa halkii aad ka murugoon lahaydeen, ee aad ka gilgilan lahaydeen. Wuxu yidhi illaah ha u naxariisto’e Tima-Cade ” Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma’e” waa runtii oo waa kaas ciil qabe qamuunyo iyo cuqdadi ku raagtay, aan dawo lahayni idiin dhameeyey. inta uu askarigan habaarka qabaa idin hor boodaayo-na, waa habeenkii xalay in aad meel isi soo taagtaan. Waxan ku soo xidhay qoraalkan ” Kolaba doogsan maysaanintaad dunidda joog-taane” Haw fadhiyin in aad meel gaadhaan. waxa aad u dabaal-degaysaan geeriddii Somaliland, halkii aad ka mxumaan lahaydeen, miyey idiin banaan tahay durbaano garaaca aad suuq-yadda la tuban tihiin? jawaabtu waa maya, ee waxa iskaga kiin khladan, waxad doonay-saan iyo waxa aad taageersan-tihiin. Ugu dambayn waxa aynu nahay ummad aan loo jid bixinayn, oo iyaku isugu wacan waxa haysta. illaa aad iska dhicisaana dhurwaaga hilihiina raqaaya haw fadhiyina in aad wax taransa-taan, ee hoog iyo ba’ baa idin huran mar-ba marka ka sii dambaysa.

* N.B Duulkii Inkaar Qaba Jinaa Daasadw Tuma!
Abdi-Shotaly.