Haldoorka Hargeysa oo Muujiyey Taageerada ay u hayaan Maayar SOLTELCO iyo Murashax Yuusuf Kirix

Hargeysa (SM)- Munaasibad bilan oo kulmisay haldoorka caasimadda Hargeysa, ayaa taageero loogu muujiyey Murashaxiinta Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo mar kale u taagan tartanka Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Murashax Yuusuf Kirix oo u tartamaya Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Munaasibadda waxa goob-joog ka ahaa Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Murashax Yuusuf Kirix oo madasha looga muujiyey taageero xooggan, iyada dadweynihii ka qayb-galay halkaas uga ballan-qaadeen murashaxiinta inay siinayaan codkooda maalinta loo dareerayo doorashada oo ku beegan 31-ka Bishan May.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose